Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo isu dhaqaaqay iyo xiisadda oo kacsan

Garoowe (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen deegaano hoos taga degmada Dhahar..

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Cadaaladda Puntland Maxamed Faarax Canjeex ayaa isagoo degmada Dhahar ku sugan warkan u xaqiijiyey warbaahinta maxalliga ah ee Puntland.

Wasiirku faah faahin kama bixin ujeedada ay ciidanku halkaas u tageen, wuxuuse xusay inay kormeerayaan xaaladda deegaanka muddo kooban kadibna dib ugu noqon doonaan deegaanadii ay horay uga soo ruuqaansadeen.

Warar madax banaan oo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in sababta Daraawiishta Punltand halkaas u tageen tahay kaddib markii laga war helay in ciidamada Somaliland ay ayagana usoo dhaqaaqeen Dhahar.

Muddo hadda shan maalmood laga joogo waxaa degmada Dhahar ka dhacay iska hor imaad muddo kooban socdey oo dhex maray ciidamada Puntland iyo kooxo taageersan maamulka Somaliland.

Dagaalka oo hal qof ku dhintay labo kalena ku dhaawacmeen, wuxuu bilowday kadib markii kooxo isla dadka deegaanka ka tirsan haseyeeshe taabacsan Somaliland iyo ciidamada Puntland ay isku dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya in xiisad xooggan ay iminka ka taagan tahay Dhahar lagana cabsi qabo inay labada maamul isku dhacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com