Xasan Sh oo Paris u tagaya la kulanka shirkad qorshe weyn ka leh SOMALIA

Paris (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh uu 15-ka Oktoobar ee soo socota uu gaaro Dalka Faransiis ka dib markii uu Casuumaad ka heley Shirkadda TOTAL sida ay sheegtey Qamar Shariif Haashim oo inta badan la socota Siyaasada Soomaaliya iyo mida Dibada.

Qamar oo ayada oo ku sugan France aan wax ka weydiiney Sababaha uu Madaxweynaha uu u tagayo Magaalada Paris ayaa waxay sheegtey in uu kulan la qaadan Doono Madaxda Faransiiska oo ay isla soo qaadi doonaan wax loogu yeerey la dagaalanka argagixisada, Taageeridaa Ciidamada Soomaaliya, Diyaarinta Doorashooyinka 2016-ka , Dhismaha Maamulada Gubolada iyo Dhameystirka Dastuurka.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynha uu la Kulmi doonaa Madaxda Shirkadda TOTAL ooo hore Dowladda ugu Saxiidey in ay Shidaal ka baarto Gobollada Jubbooyinka, islamarkaana dooneysa inay ku dhaqaaqdo qorshaheeda.

Mar aan waxa ka weydiiyey Dacwada ay Dowlada Federaalka ay u Gudbisey Maxkamada Caalamiga waxay Qamar Haashim ku Jawaabtey “ Markii Horeba Dowlada Federaalka iyadu Dacwadu ma Gudbin ee waa mid kor looga keeney marka waxaan ku Tilmaami karaa Dacwadaas Maaweelo waayo Dowladeenna waa Dowlad aan haysan Dhaqaale ay ku Bixiso Qarneeno Difaaca Dacwadda , halka Kenya ay haysato Dhaqaale ku Filan oo ay siiso Qareenno isugu jira Dibadda iyo Gudaha”.

Ugu Dambeyntii Qamar waxay Bulshada Qaybaha kala duwan u soo jeedisey in ay u istaagaan sidii loo Difaaci lahaa Badda Soomaaliya oo ay Dooneyso in Kenya ay qaado iyadoo ay Garab ka heleyso Dowlado Shisheeye oo damac weyn ugu jira Khayraadka Badda Soomaaliya.

Isha: Somalitalk.com