Axmed Diiriye iyo horjoogayaashii ku kacsanaa Godane oo uu shir u furmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Halkaasi uu kullan xasaasi ah ugu socdo Hogaamiyaha Maleeshiyada iyo Horjoogayaashii horay ay u kala irdhooben Axmed Godane.

Wararku waxa ay Tibaaxayaan in kullanka ay kamid yihiin Horjoogayaal uu kamid yahay Roobow, kaasi oo in muddo ah ka maqnaa Magaalada Baraawe iyo agagaarkeeda, kadib markii uu xumaaday xiriirkii hore ee kala dhexeeyay Godane.

Ujeedka ugu weyn ee kullanka ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay ka tanaasulida Khilaafkii kala dhexeeyay Axmed Godane, in dib loo mideeyo Kooxda iyo nidaamka Militeri ee looga guuleysan karo Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Horjoogayaasha kullanka loo qabtay ee horay uu khilaafka kala dhaxeeyay Godane, ayaa waxa ay si mideysan u wada sheegen inay qaadanayaan qodobada oo idil, markii laga reebo qodobka ah in laga tanaasulo Khilaafkii kala dhexeeyay Godane, taasi oo ay ku sheegen inay aad uga cabsi qabaan inay dib ugu soo laabto Hoggaamiyaha cusub oo raacaya nidaamkii Godane.

Kullanka ayaa ah mid weli socda, waxaana lagu maslaxeynaaya Horjoogayaasha ka careysnaa Godane inay u calool fiyoownaadan Hogaanka cusub.

Lama Oga waxa kasoo bixi doono, balse waxaa laga cabsi qabaa inuu kasoo bixi waayo Natiijo maadama uu Hogaamiyaha Kooxda Axmed Diiriye uu weli aaminsan yahay ad adeegii Godane.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com