Dagaal beeleedka Hiiraan ka socda oo sii xoogeystay iyo xog kasoo baxeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxayo Dagaal Khasaaro badan ka dhashay oo ka dhacay Deegaanada Diifoow oo hoostaga Magaalada Baledweyne.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid xoogan islamarkaana u dhaxeeyay Maleeshiyaad kala Taabacsan Labo Beelood oo wada Daga Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Deegaanada Diifoow iyo Kabxanley.

Inta la Ogyahay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 7 Ruux oo kala taabacsanaa dhinacyadii dagaalamaayay, waxaana lasoo sheegayaa in ilaa iyo iminka uu socdo lana maqlaayo Hubka calculus.

Macalin Cismaan Macalin Cabdulle oo sheegay inuu kamid yahay Odayaasha waan-waanta ka dhex wada Dagaalamayaasha, ayaa waxa uu sheegay in Xaalad kacasanaan ah ay ka jirto Diifoow islamarkaana ay iskaga baxeen Deegaanka Diifoow oo lagala wareegay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay ku jiraan barakac xoogan islamarkaana ay garan la’ yihiin halka ay dadka u qaxaan.

Dhowr jeer ayaa Maleeshiyo Beeleed halkaa wadadaga ay ku dagaalameen,iyadoona Wafdi ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Heshiisyo kala dhex dhigtay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com