Mid ka mida siyaasiyiinta ugu caansan Muqdisho oo xabsiga loo taxaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay sheegayaan in Barqadii maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho lagu xiray Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan.

Siyaasigaan ayaa wuxuu ka yimid Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana lagu qabtay Garoonka dhexdiisa, xilli uu ku jiray qeybta dadka Garoonka kasoo dega ay maraan.

Xuseen Calasoow oo ah nin ay isla socdeen C/laahi Sheekh Xasan oo Magaalada Nairobi ay iska soo raaceen, ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay xilli ay sugayeen boorsooyinkooda ay u yimaadeen C/laahi Sheekh Xasan rag Nabadsugid ah, kadibna ay ku amreen in su’aalo la weydiinaayo.

“Boorsooyinka ii haay ayuu idhahay ragaan Nabadsugida ah ayaa su’aalo ayaan ku weydiinaynaa idhaheen, kadibna cabaar markuu iga maqnaa ayaan wacay wuxuu igu dhahay waan xiranahay, waxyar kadib ayaa taleefoonka ku celiyay hadana wuxuu idhahay Godka Jilicoow ayaa la iisii wadaa”Ayuu yiri Xuseen Calasoow.

Ilaa hada waxaan kala cadeyn sababta rasmiga ah ee ciidamada Nabadsugida Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ay u xireen C/laahi Sheekh Xasan oo ah siyaasi si aad ah u dhaliila Dowladda Federaalka Soomaaliya.

C/laahi Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada ayaa hada wuxuu ku xiran yahay Xabsiga Godka Jilicoow ee ku yaala Degmada Boondheere.

Saraakiisha Nabadsugida Soomaaliya kama aysan hadlin sababta loo xiray Siyaasigaan.