Halkee buu ku danbeeyay Khilaafkii ka taagnaa dekada Muqdisho? (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo dhanka Maamulka Dekada Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Khilaafkii ka taagnaa Dekada la soo afmeeray.

Wararku waxa ay sheegayaan in Kulan Maanta ka dhacay Dekadda Muqdisho lagu xaliyay Arrimaha la xiriiray muranka ee mudooyinkaani taagnaa,Kadib markii Maamulkeeda lagu wareejiyay Sharikad Turki ah oo lagu Magacabo Al-bayrak.

Kulnka oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa waxaa ka qeyb Galay Xubno ka socdy Xafiisyda Madaxweynha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia iyo Ra’iisul wasaare C/weli , Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mareeyaha Dekadda Xubno ka Tirsan Sharikadda Al-bayrak iyo qeybaha ku xeel-dheer qaanuunka ama sharciga.

Kullanka oo looga hadlay arrimo farabadan, ayaa waxaa lagu heshiiyay in marka hore meesha laga saaro muranka aan joogsiga laheyn ee ka dhex taagan Maamulka Dekada Muqdisho.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda  Yuusuf Macalin Amiin oo ku sugnaa madasha, ayaa Halkaas ka sheegay Heshiiska ay la Gaareen Muruq maalka Dekadda Muqdisho, kaasoo dhigaya in Shaqalaha hadda jooga ay Bisha hadda Bilaabatay ay ka shaqeysan doonaan Dekadda.

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dhismaha ka socda Dekada uu ahaan doono mid Taariikhi ah, waxa uuna tilmaamay in dhismahaasi uu ahaan doono mi la tartamo kuwa caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka oo la hadlay Muruq Maalka ayaa waxa uu ugu bishaareeyay in laga soo talaabay muranka Dekada, islamarkaana ay dib ugu laaban doonaan howlahooda.

Muruq maalka dhankooda waxaa ay sheegeen in ay ku qanacsanyihiin Heshiiskaas, Afhayeen u hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay Wasaaradda waxa ay soo saari doonto ka War Sugayaan, Mudada Bisha ah ee ay Wasaaraddu Shaqalahas u Ogolaatay in ay Howshooda sii Wataan.

Dhanka kale, xalka laga gaaray Khilaafka ka jiray Dekadda Muqdisho ayaa waxa uu ahaa mid caqabad ku noqday inkabadan 5,000 oo qoys kuwaasi oo ahaa kuwo ay noloshooda ku tiirsanaan jirtay Dekada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com