Gudoomiye cusub oo loo dortay faraca Xisbiga Tayo ee Netherlands (Sawirro)

Magaalada Schiedam ee wadanka holland waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen Xubnaha xisbiga Tayo Party Faraciisa Wadanka Holland.

Kulankaan ayaa waxaa u ahaa mid ay xilalka kula kala wareegayeen Gudomiyihii hore ee Xisbiga Tayo Party Faraciisa wadanka holland Abdirizak Osman Sahal iyo Gudomiyaha Cusub ee Xisbiga Tayo Party Omar Abdulahi Hassan.

Isbadaladaan lagu sameyay hogaanka Xisbiga TAYO PARTY faraciisa wadanka Holland ayaa waxaa ay qayb ka yihiin dardar galin iyo isbalaarin u wado Xisbiga Tayo Party.

Abdirizak Osman Sahal gudomiyihii xilka wareejiyay ayaa ugu horeyn u mahadceliyay xubnihii la soo shaqeyay intii uu Gudomiyaha ahaa waxaa u sido kale sheegay in manta sid ay ku jirto dimuquradiyad uu xilka ugu wareejiyay Gudomiyaha cusub ee Xisbiga Tayo faraciisa wadanka holland una u rajaynayo guul.

Gudomiyaha Cusub ee Xisbiga Tayo Party Omar Abdulahi Hassan oo gobta xilwareejinta ka hadlay ayaa waxaa uu u mahad celiyay Gudomiyihii ka horeyay Abdirizak Osman Sahal waxaana uu sheegay in mudadii u xilka hayay Abdirizak Osman Sahal u Xisbiga Tayo Farciisa Wadanka Holland hormar badan garsiyay.

” Waxyabaha Abdirizak Osman Sahal lagu soo xasuusan doono waxaa ka mid ah qabashadii Shirweynaha Guud ee xisbiga Tayo Party ee ka dhacay Magaalada The Hague ee wadanka Holland iyo gaarsinta Xisbiga Gobolada wadanka Holland “ayu yiri Gudomiyaha Cusub ee Xisbiga Tayo Party Faraciisa wadanka Holland Omar Abdulahi Hassan.

Gudomiyaha Cusub ayaa waxaa uu sheegay in u halkaasi ka sii wadi doono dadaaladii uu sameyay Gudomiyihii ka horeyay waxaana uu intaasi ku daray in Xisbiga Tayo Party ee wadanka Holland u hormar balaran garsiin doono mustaqbalka dhow.

Warbixintaan iyo muqaalada ay wadato waxaa na soo garsiyay Xoghayta Xibiga Abdirahman Mohamed Omar (food).

tayo1tayo2