26.6 C
Mogadishu
Monday, July 7, 2025

TRUMP oo u yeeray shan madaxweyne oo African ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Arbacadii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu toddobaadka soo socda magaalada Washington ku martiqaadi doono hoggaamiyeyaal ka socda shan waddan oo Afrikaan ah, si ay uga wada hadlaan “fursadaha ganacsi.”

Sarkaalka ayaa sheegay in Trump uu hoggaamiyeyaasha ka kala socda Gabon, Guinea-Bissau, Liberia, Mauritania iyo Senegal uu kula yeelan doono wada-hadal iyo qado sharaf Aqalka Cad 9-ka Luulyo.

“Madaxweyne Trump wuxuu aaminsan yahay in wadamada Afrika ay bixiyaan fursado ganacsi oo cajiib ah, kuwaasoo ay ka faa’iideysan karaan shacabka Mareykanka iyo saaxiibadeena Afrikaanka ah,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo sharraxayay sababta kulanka loo qabanqaabiyey.

Warbaahinta Africa Intelligence iyo Semafor ayaa horay u werisay in maamulka Trump uu shir-madaxeed ugu qaban doono shanta waddan magaalada Washington inta u dhaxaysa 9-ka ilaa 11-ka Luulyo.

Maamulka Trump ayaa si weyn u dhimay qaybo badan oo ka mid ah kaalmadii dibadda ee Mareykanka siin jiray Afrika, taasoo qayb ka ah qorshe lagu xakameynayo kharashka uu u arko mid aan loo baahnayn oo aan la jaanqaadi karin siyaasadda Trump ee ‘Danta Mareykanka ayaa Kow ah’ (America First). Maamulka ayaa sheegay inuu doonayo inuu diiradda saaro ganacsiga iyo maalgashiga si loo horseedo barwaaqo labada dhinac ah.

Talaadadii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Mareykanku uu ka tanaasulayo waxa uu ugu yeeray qaabkii gargaarka dibadda ee ku dhisnaa sadaqo-bixinta, uuna doorbidi doono quruumaha muujiya “kartida iyo rabitaanka ay isku caawinayaan.”

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Arrimaha Afrika, Troy Fitrel, ayaa bishii Maajo sheegay in ergooyinka Mareykanka ee Afrika lagu qiimeyn doono heshiisyada ganacsi ee ay soo xiraan, isagoo ku tilmaamay inay taasi tahay istiraatiijiyadda cusub ee taageerada qaaradda.

- Advertisement -

Read more

Local News