Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa ka codsatay dowladda Mareykanka inay soo farageliso si looga hortago in baarlamaanka bariga Liibiya uu ansixiyo heshiis dhinaca badda ah oo uu la galay Turkiga, sida ay ilo-wareedyo dhowr ah oo gobolka ku sugan u sheegeen Middle East Eye.
Sarkaal Masaari ah ayaa Arbacadii u sheegay Middle East Eye in Qaahira ay ka walaacsan tahay in haddii baarlamaanka bariga Liibiya uu meel mariyo heshiiskan, oo markii hore ay sannadkii 2019-kii saxiixday dowladda galbeedka Liibiya oo ay xafiiltamaan, ay taasi kicin karto xiisado ka dhaca bariga Mediterranean-ka, xilli ay Masar la daalaa dhacayso cawaaqibka dagaallada ka socda Gaza iyo Suudaan.
Hal sarkaal oo Masaari ah iyo mid kale oo ka tirsan gobolka ayaa u sheegay Middle East Eye in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, uu arrinta faragelinta Mareykanka kala hadlay Massad Boulos, oo ah la-taliyaha sare ee Mareykanka u qaabilsan Afrika, wicitaan taleefan oo dhex maray bishii hore.
Sida ay sheegeen, Boulos ayaa ballan qaaday inuu la hadli doono Khaliifa Xaftar, oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee bariga Liibiya, si uu arrintan ugala hadlo.
Middle East Eye waxay la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay u hesho faahfaahin ku saabsan waxyaabihii looga hadlay wicitaankaas, balse kama aysan helin wax jawaab ah illaa xilliga la daabacayay warbixintan.
Dhowr warbaahin oo Liibiya ku yaal ayaa sheegay in baarlamaanka bariga dalkaas uu toddobaadyada soo socda ansixin karo heshiiskii badda ee 2019, kaasoo aqoonsan doona sheegashada Turkiga ee Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ) oo ku fidsan bad iyo barri ballaaran oo ka tirsan bariga Mediterranean-ka.
Baarlamaanka bariga Liibiya, oo fadhigiisu yahay Tobruk, waxaa si dhab ah u maamula Xaftar, kaasoo ay taageero siinayeen quwado kala duwan oo gobolka ah tan iyo 2011, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta, Mareykanka, Masar, Faransiiska iyo Ruushka.
Ninkan oo 81 jir ah, haystana dhalashada Liibiya iyo Mareykanka, ayaa awood weyn ku leh bariga Liibiya, wuxuuna bartamihii 2019-kii bilaabay isku day fashilmay oo uu ku doonayay inuu ku afgambiyo dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee fadhigeedu yahay Tripoli.
Xilligaas, dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay, oo Turkigu yahay taageeraha ugu weyn, ayaa heshiiska xadaynta badda la saxiixatay Ankara, taasoo ka careysiisay Giriigga iyo quwado kale oo gobolka ah oo ku andacooday in laga reebay.
Giriigga ayaa kaga jawaabay heshiiskaas isagoo mid u gaar ah la saxiixday Masar.
Baarlamaanka bariga Liibiya ayaa markii hore ka soo horjeeday heshiiska, balse bilihii la soo dhaafay, inkastoo ay olole xooggan wadeen Athens iyo Qaahira, Xaftar ayaa u muuqda inuu qarka u saaran yahay inuu taageero heshiiskaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Giriigga, George Gerapetritis, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan u safro Benghazi iyo Tripoli si uu ugala hadlo muranka badda, sida uu mid ka mid ah ilo-wareedyada gobolka u sheegay Middle East Eye.
Dhanka kale, ilo-wareedyadu waxay u sheegeen Middle East Eye in Qaahira ay ka digtoonayd isbeddel ku yimaada xaaladda taagan ee muranka badda.
Bishii Juun, Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Liibiya, oo fadhigeedu yahay Tripoli, ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda shidaalka ee dawladda Turkiga ee TPAO si ay sahamin shidaal uga samayso afar goobood oo badda ku yaal, kuwaasoo sarkaalka Masaariga ahi sheegay inay ku xadgudbi karaan Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Masar.
Isbeddelka isbahaysiyadii hore
Isbeddelka mowqifka bariga Liibiya ee arrintan ayaa ka tarjumaya isbeddel ballaaran oo ka socda gobolka, halkaasoo ay ku burburayaan khadadkii fikirka ahaa ee hore u qeexi jiray iska horimaadyadii ka dambeeyay kacdoonnadii Guga Carabta ee 2011.
Kaddib markii ay hub, calooshood-u-shaqaystayaal iyo askar u dirtay si ay ula dagaallamaan ciidanka Xaftar, Turkiga ayaa hadda muujiyay rabitaan cusub oo uu kula shaqeynayo cadowgiisii hore.
Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa bishii Juun martigelisay saddex wafdi oo militari ah oo ka socday ciidanka uu Xaftar iskiis u magacaabay ee Libyan National Army (LNA), waxaana wiilka ugu yar Xaftar, Saddam, uu booqday Ankara bishii Abriil kaddib booqasho uu horraantii sanadkan ku tagay Qatar.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Middle East Eye in xiriirka sii kordhaya ee Saddam Xaftar uu la leeyahay Ankara, oo ay ku jirto dhinaca militariga, uu ka caraysiiyay Masar.
Sarkaal Masaari ah iyo mid Liibiyaan ah ayaa sheegay in Masar ay aaminsan tahay in Saddam uu ka dambeeyay duullaan xuduudda looga gudbay oo lagu qaaday Suudaan, iyo in dagaalyahannadiisu ay ka caawiyeen Ciidammada Dhaqdhaqaaqa Degdegga ah (RSF) dagaalka ay kula jiraan militariga Suudaan.
In kasta oo Masar iyo Turkigu ay ku kala aragti duwan yihiin Liibiya, haddana labadooduba waxay taageeraan ciidanka Suudaan ee dagaalka kula jira ciidanka RSF ee uu Imaaraadku taageero.
Masar waxay dano qoto dheer ka leedahay Liibiya, waxayna la wadaagtaa xuduud dheer oo furan oo dhererkeedu yahay 1,115km dhinaca bariga dalkaas.
Horraantii toddobaadkan, Madaxweyne Sisi wuxuu magaalada El Alamein ku martigeliyay Khaliifa iyo Saddam Xaftar si ay uga wada hadlaan amniga xuduudaha.
In kasta oo Liibiya ay weli u kala qaybsan tahay iska horimaadyo dhex mara maleeshiyooyin iska soo horjeeda, guud ahaan looma laaban dagaallo waaweyn.
Maamulka Trump wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay qoyska Xaftar, waxaana muddadii xilkiisa koowaad, Madaxweyne Donald Trump uu taleefan kula hadlay Xaftar xilligii uu dagaalku dalka ka socday.
Dhanka kale, Middle East Eye waxay hore u shaacisay in Saddam uu horraantii sanadkan kula kulmay Boulos magaalada Washington DC, uuna sidoo kale amniga gobolka kala hadlay saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka.