Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, kaas oo haatan dhulkiisa la’iibinayo, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka deegaanka oo indhowaanahaan qaylo dhaaminayay.
Waxa haatan si toos ah loo beec geeyay dhulka uu ku yaallo suuqa, iyada oo qiimihiisana la shaaciyay, kaas oo u dhexeeyo $ 45,000 oo dollar illaa 80,000 oo Dollarka Mareykanka ah.
Arrintan ayaa sii kordhisa walaaca ay qabaan ganacsatada suuqa iyo dadka deegaanka, maadaama dhulkan ay haatan la wareegayaan ganacsato kale oo waawayn.
Dhinaca kale, Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si adaga uga hadlay xaaladda Siinaay, wuxuuna tilmaamay in la barakicinayo dadka deegaanka, iyada oo si gaar ah loo beegsanayo dadka uu metalo/
“Waxaa muuqata in laga shaqeynayo kicin bulsho, iyo barakicin beegsi dad gaar ah oo aanan marnaba aqbali karin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Wixii ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona ciddii ka shaqeysa wax ka baxsan danaha Qaranka Soomaaliyeed iyo muwaadiniintooda”.
Yaasiin Farey ayaa sidoo kale soo saaray digniin culus oo uu diray guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo uga digay in aysan ku kadsoomin dhulkaas ee uu buuqa ka jiro.
“Waxaan uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed, qurbojoogta iyo shirkadaha in aysan ku kadsoomin qorshaha fashilan ee Dalaaleydu suuqa wareejineyso kuna khasaarin hantidooda” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo soo saaray digniin culus.
Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-
Digniin Culus!
Suuqa Siinaay waa suuq ganacsi oo soo jireen ah, Waxaa isoo gaaraya in sifo aan sharci aheyn loo barakicinaayo dadka ku ganacsada iyo kuwa deegaansaday ee gacanta ku haaya. Waxaa muuqata in laga shaqeynayo kicin bulsho, iyo barakicin beegsi dad gaar ah oo aanan marnaba aqbali karin. Dadka deegaanka ayaa diyaar u ah in dhulkaa iyaga loo sharciyeeyo Hadiiba la sharciyeeynayo oo aan laga Iibin dad banaanka laga soo aruuriyey, lagana Barakicin muwaadiniintaas dowladuna ku tixgeliso si looga fogado in Dadka Deegaanka iyo Doowladu iska Horyimaadaan.
Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda in aysan sabab u noqon cawaaqib xumo ka dhalata dulmiga muwaadiniinta halkaa degan. wixii ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona ciddii ka shaqeysa wax ka baxsan danaha Qaranka Soomaaliyeed iyo muwaadiniintooda. waxaan uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed, qurbojoogta iyo shirkadaha in aysan ku kadsoomin qorshaha fashilan ee Dalaaleydu suuqa wareejineyso kuna khasaarin hantidooda.
Waxaan u ballan qaadayaa dadka aan matalo in inta aan noolahay lagu handadi doonin magac dowladeed, mid qabiil/Jufo, iyo mid awood sheegasho dad kusoo duulay danahooda. Waxaa ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan difaaca sharafkooda, cirdigooda iyo karaamadooda. Waxaan waqti dheer xeerinayey in si degan loo wajaho xaalada taagan, ma aqbali doono in aan si sharciga waafaqsaneyn lagu handado Reer Siinaay oo ah u hiiliyaha qaranka iyo xuriyada.


