Dagaalka cusub ee Tigray-ga iyo ciidamada Ethiopia oo guulo weyn laga sheegtay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Ethiopia iyo kuwa Tigray-ga ayaa guulo ka sheegtay dagaalka xooggan ee dib uga qarxay waqooyiga dalka toddobaadkii tegay.

Weerarka cusub ee ka dhanka ah Tigray-ga ee dib u billowday toddobaadkii tegay ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed mar kale loo dhaariyey muddo xileed cusub oo shan sano ah. 

Ciidamada dowladda waxay “iska caabinayaan” weerar ay billaabeen TPLF, waxaa sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed kaasoo baxay Militariga Ethiopia oo lasoo dhigay facebook.

TPLF ayaa dhinacooda sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalka.

Ciidamada Tigray-ga waxay qabteen “maxaabiis dhowr ah”, waxayna burburiyeen qalab iyo gawaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Ethiopia, waxaa sidaas sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

“Waxaan gebi ahaan burburinay taliska Bari oo dhan, oo ay ku jiraan qeybo badan oo u yimid dib u xoojin,” ayuu Getachew Reda ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Dagaalka cusub waxaa ciidamada dowladda ka taageeraya maleeshiyada gobolka Amxara, waxaana Tigray-ga laga soo weeraray dhowr jiho, sida ay TPLF sheegtay toddobaadkii tegay.

Dagaalka cusub ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xaaladda Ethiopia oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof.

Dhinaca kale, shaqaale gargaar oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in dagaal-yahanno Eritrean ah ay weli ku sugan yihiin gudaha Ethiopia, ayna ka qeyb qadaanayaan dagaalka.

Ilo-wareedyo gargaar oo kale oo soo xiganaya goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay Tigray-ga kula dagaalamayaan magaalada Berhale ee gobolka Afar.