Muxuu yahay ujeedka gudiga uu magacaabay Qoor Qoor?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa magacaabay guddi cusub oo uu ka soo xulay golihiisa wasiirada, waxaana horkici doono madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Guddigan oo ka kooban illaa 10 xubnood ayaa waxa uu ka shaqeyn doonaa daadajinta adeegga dowladaha hoose, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Qoor Qoor.

Sidoo kale waxaa warqadda lagu sheegay in magacaabista guddigan ay ku timid baahi loo qabo in hoos loo daadajiyo adeegga maamulka ee dowladaha hoose.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale amray hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga cusub ee uu magacaabay.

“Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug in ay la shaqeeyaan guddigan, si ay u gutaan waajibaadkooda shago.,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Halkan hoose ka aqriso liiska xubnaha guddiga:

1- Axmed Xasan Cali, Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen)
2- Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3- Maxamed Xaashi Dhoore, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
4- Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
5- Cabdinasir Geelle Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
6- Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta
7- Axmed Casir Dhiblaawe, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska
8- Siciid Siyaad Shirwac, Wasiirka Wasaaradda Bayada
10- Yaxye Xasan Xiish, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
11- Ubax Xuseen Dhiblaawe, Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha

Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu sheegay in xeerkan uu dhaqan-galayo isla maanta, maadaama uu saxiixay madaxweynuhu.

Si kastaba, magacaabista guddigan cusub ayaa ku soo aadeyso, xilli ay haatan Galmudug ka taagan tahay xiisad dagaal oo ka dhalatay dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna.