Wafdigii Somalia ku metalay kiiska Maxkamadda ICJ oo faah-faahin cusub bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dib ugu soo noqday wafdigii dowladda federaalka ku metalayey maxkamadda ICJ oo dhowaan shaacisay xukunka badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay dowladda Kenya.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mahdi Guuleed oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka ayaa shaaciyey in Soomaalia ay guul taariikhi ah kasoo hoysay dacwaddii badda, isla-markaana doodaha Soomaaliya la qaatay, maxkamadduna ay iska diiday dhammaan doodihii ay soo gudbisay dowladda dalka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan Soomaaliya ay leedahay bad xadkeedu cad-yahay, laguna sugay sharciga caalamiga ah.

“Maanta waxynu joognaa goor Soomaaliya ay leedahay bad xadkeedu cad-yahay, jeexan yahay sharciga caalamiga ahna lagu sugay, aynu guuleysanay taariikhi ah, ay tahay in aynu ku fara adeegno. Guushaasi waa guul dhammaanteen shacabiga Soomaaliyeed u soo hoyatay, dowladda Soomaaliya u soo hoyatay,” ayuu yiri Mudane Mahdi Guuleed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waa xaq aynu laheyn oo aynu dhacsanay oo innoo soo noqday maanta uu cad-yahay xuduud biyeedka aynu Kenya la leenahay halka uu gaarsiisan yahay,”

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey dowladihii kala duwanaa ee kasoo shaqeeyey kiiska badda, sida dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif, tiii Xasan Sheekh iyo mida Farmaajo.

“Waxaan u mahadcelinayaa laga soo bilaabo dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariiif iyo ra’iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyey oo uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid iyo wasiiradii arrimaha dibadda ee xilligaas iyo doorkii ay ka qaateen, dowladii Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaareyaashii lasoo shaqeeyey baarlamaankii dalka oo qaraar kasoo saaray kiiska baddda,” ayuu markale hadalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Dhinaca kale madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa guddiga ku qaabilay xafiikiisa, wuxuuna ku boggaadiyey doorka ay ka qaateen difaaca badda Soomaaliya

“Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna.” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay ku guuleystay dacwaddii badda ee maxkamadda ICJ, waxaana inta badan biyaha la’isku hayey loo xukumay Soomaaliya.