Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada magaalada Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Guriceel, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka dhaco halkaasi, waxaana taasi ay keentay in qoysas badan ay isaga barakacaan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa inta badan xiran goobaha ganacsiga ee Guriceel, waxayna ganacsatada dhankooda walaac ka muujinayaan xaaladaha cakirnaanta ah ee ka taagan halkaasi.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay difaacyo horleh ka sameysteen duleedka magaalada, iyaga oo haatan bilaabay abaabul ciidan oo culus.

Dhanka kale ciidamada Galmudug oo kaashanaya iyo kuwa dowladda ayaa ku sugan inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qorsheynayo inay weeraraan Ahlu Sunna.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Baaqyada kala duwan ee loo dirayo Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa dhinaca kale isa soo tarayo, waxaana laga dalbaday inay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka.

Si kastabam dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda Galmudug oo horay dagaal ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan maamulkaasi.