Xiisadda Farmaajo iyo Rooble: Yaa hadda gacanta ku haya goobihii lagu loolamay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday khilaafka siyaasadeed ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu loolan xoogan ku dhex maray gacan ku haynta awoodda dalka.

Intii ay taagneyd xiisada Farmaajo iyo Rooble meelaha sida aadka ah ay iskugu hayeen ee khilaafkooda saameyay ayaa waxa ay ahaayeen Hay’adda NISA, Wasaarada Amniga iyo Warbaahinta dowladda.

Khilaafka oo markii hore ka billowday Hay’adda NISA ayaa ku baahay labada goob ee kale, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Rooble ku guul dareystay in Bashiir Goobe oo u magacaabay NISA uu geeyo xarunta taliska.

Hay’adda NISA ayaa waxa hadda gacanta ku haysa koox ciidan ah oo taabacsan Farmaajo, waxaana taliye ahaan uga shaqeeya Yaasiin Faray, oo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday u magacaabay si kumeel gaar ah.

Hase yeeshe Rooble ayaa asaguna ku guuleystay in uu gacanta ku dhigo Wasaarada Amniga iyo Warbaahinta dowladda, halka Farmaajo ay awoodiisu isugu soo aruurtay hay’adda NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si aan looga adkaan loolanka ciidanka, wuxuu Cabdullaahi Nuur u magacaabay Wasaarada Amniga, waxayna sidaas ku raacday dhanka Rooble, taasi oo loolanka labada nin kala gacan sareysiisay.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta iyo ku-xigeenkiisa ayaa la saftay Rooble, ayada oo Warbaahinta dowladda laga mamnuucay hadalada iyo qoraalada Farmaajo ee ku aadan siyaasada iyo loolanka kala dhaxeeya Rooble, halka kaliya lagu baahiyo aragtiyada dhex-dhexaadka ah.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa dhowr jeer lagula taliyey in uu weeraro warbaahinta dowladda, hase yeeshe waa uu diiday in uu qaado tallaabadaas, maadama ay uga sii dari karto xiisada taagan.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa hoos u dhacay, xili ay soo faro-gelisay dowladda Qatar oo ayada lala xiriiriyo in saaxiib dhow la tahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, si rasmi ahna looma oga in safarkii Rooble ee dalkaas uu si buuxda u soo afjari doono khilaafka siyaasadeed ee labada nin.