Dagaalka Itoobiya oo lugaha la galay Tedros Adhanom

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka Tigreyga u jeedisay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Taliyaha ciidamada Itoobiya, Berhanu Jula oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa madaxa WHO ku eedeyay inuu wado olole ka dhan ah dowladda federaalka, isla markaana uu hubeynayo maamulka Tigreyga, oo dagaal culus kala dhaxeeyo dowladda.

Taliye Berhanu ayaa Tedros dusha u saaray inuu ka dambeeyo walaaca caalamka ee dagaalka Tigreyga, isagoona xusay inuu qeyb ka ahaa xisbigii TPLF ee mudada badan hogaaminayay dalka Itoobiya, midaasi oo ku muujinayo taageerada aan la xaqiijin ee Tedros.

“Maxaad ka fileysaa isaga (Tedros)? Ma fileyno inuu la safan doono dadka Itoobiya oo uu cambaareyn doono maamulka TPLF” ayuu yiri.

Madaxa WHO oo ah Nin Itoobiyaana oo hore xukuumaddii Meles Zenawi ee dalka Itoobiya kasoo noqday wasiirka caafimaadka ee Itoobiya, oo sidoo kalena wasiir kasoo noqday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, ayaa weli ka jawaabin eedeynta culus ee maanta loo jeediyay.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa weli ku adkeysaneysa inuu sii soconayo howl-galka millateri ee ay ka wado deegaanada maamulka TPLF, iyada oo ay dhawaan sheegtay in howl-galkaasi uu marayo wajigoodii u dambeegay.

Si kastaba, eedeyntan ayaa imaneysa xili uu sii xoogeysanayo dagaalka maamulka TPLF iyo dowladda federaalka, taasi oo sheegtay inay ku wajahan tahay caasimada gobolka Mekele, ka dib guulo is daba joog ah oo ay ka sheegatay dagaalkaasi.