Dagaalka Laascaanood ka socda oo maanta xoogeystay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta uu sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolkaasi kaas oo kusii fidayo meelo horleh oo ka baxsan magaaladaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu haatan ka socdo deegaanka lagu magacaabo Diyaaradda, kaas oo 20 KM dhanka bari uga beegan Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay qaadeen ciidamada deegaanka, kuwaas oo weeraray fariisin ay ciidamada Somaliland ee kasoo baxay Tukaraq ka sameysteen halkaas waxaana hogaaminaya Mahad Cambaashe oo kamid ah milariga Somaliland.

Dagaalka ayaa waxaa labada dhinac ay isku weydaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, ayada oo daryanka hubka iyo madaafiicda laga maqlayo qaybo ka mid ah Sool.

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo war kasoo saaray dagaalka ayaa shaaca ka qaaday in kooxo uu ugu yeeray nabad diid iyo ciidamada Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamadooda, balse ay iska difaaceen.

“Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka  ee jooga jiidda hore ku sugan ee  Gobolka Sool” ayuu yiri wasiir Caateeye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada weerarka soo qaaday lagu dhuftay dharbaaxa kulul, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda bariga Laascaanood.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka  Puntland-Soomaaliya” ayuu makale yiri wasiirka gaashaandhigga.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay” Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika”.

Xaaladda Laascaanood ayaa faraha kasii baxaysa, waxaana dagaalka uu galay todobad 4-aad, kaas oo sababay dhimashada dad ka badan 150 qof iyo dhaawaca 500 oo kale.