Dagaalka ka socda SUDAN oo maanta sanad jirsaday

Khartoum (Caasimada Online) – Sannad ayaa maanta u buuxsantay marki uu billowday gulufka colaadeed ee ka aloosan dalka Sudan, kaas oo u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysan ee RSF.

Xalay oo kale, bartamihi bishi April ee sannadki 2013-ki ayuu qarxay dagaalka sokeeye ee uu dhiigga badani ku daatay. Tan iyo markaasi boqollaal qof ayaa ku dhintay, boqollaal kun oo qofna waa ay ku barakaceen ama u qaxeen dalka dibaddiisa.

Dagaalka sokeeye ee Sudan ayaa keenay abaar aad u daran, iyada oo ay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha gargaarka ee caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ayaa ka digay macluul ay suuragal tahay in dad aad u tiro badan u dhintaan bilaha soo socda.

Isu-duwaha xafiiska arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay, Justin Brady ayaa sheegay in bilaha foodda nagu soo hayo ay dhici karto in dalka Sudan ay macluul iyo gaajo ugu dhintaan tobnaan ama boqlaal kun oo qof, haddii aysan bulshada caalamka si deg deg ah ugu gurman Sudan.

Ilaa 3.5 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka hooseeyso 5 jir ayaa la ildaran nafaqo darro aad u xun, waxaa ku jira carruur gaareyso 710,000 oo xaalkoodu uu halis yahay sida ay xaqiijisay laanta caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.

QM waxay kaloo sheegtay in dad gaaraya 5 milyan oo ruux oo ku nool Sudan ay hal tallaabo u jiraaan in ay galaan macluul. Laakin guud ahaan warbixinta ayaa sheegaya in ku dhawaad 18 milyan oo reer Sudan ah ay cunto la’aan yihiin.