DAGAALKA kursiga Aqalka Sare ee Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka Sare ah.

Laba Kursi ayaa wata xamaasad iyo loolan aad u culus, mid kamid ah labadaas kursi waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Kursigaan waxaa laga leeyahay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Cabdi Qeybdiid oo hadda ku maqan jiidda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa mar kale u tartamaya kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Dhawaan waxaa kursigaan isna isku soo sharaxay hoggamiyihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo mudadii uu joogay Galmudug muddo xileedkiisa uga dhammaaday dagaalka Villa Somalia.

Xaaf wuxuu dhowr kulan la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug, wuxuu shiriyey Beesha kursiga iska leh, wuxuuna musharaxnimadiisa u muujiyey si af iyo ficil labadaba ah, wuxuuna iska sii hormariyey farriin hanjabaad ah oo ku wajahan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Haddaba maxaa adkeenayo dagaalka kursigaan?

Labada nin ee isku heysata kursiga kalama miisaan yara kalamana jeeb yara,  mid wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Qoor Qoor waana Cabdi Qeybdiid, midna wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Xildhibaanada Galmudug waana Xaaf.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaaro cidda ku tartameyso kursigaan, Qeybdiid waxaa la sheegay inuu rabo inaan lala qorin Xaaf oo uu isaga la yimaado musharax malxiis ah oo goobta ku tanaasula inta aysan doorashada bilaaban.

Galmudug waxaa ka jirto dood ah inaan kuraasta dad gooni ah loo xirin, Dadka doodaas hor boodaya waxaa kamid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Qoor Qoor ma isla qori doonaa Xaaf iyo Cabdi Qeybdiid?

Marka la eego xaalka sida uu hadda yahay, Qoor Qoor waxaa ku dhow oo saaxiib la’ah, abaal badana ku leh Cabdi Qeybdiid, waxaana la sheegayaa inay ku adag tahay inuu isla qoro isaga iyo Xaaf.

Haddii labada nin la isla qoro waxay badi dadka reer Galmudug qabaan inuu Xaaf ku adkaan doono kursiga. Haddii uu Qoor Qoor diido inuu isla qoro labada nin oo uu ka tago Xaaf wuxuu u diyaar garoobayaa qiimaha ay ku kici doonto falcelinta Xaaf oo loo arko dagaal-yahan siyaasadeed oo yaqaana sida lacagta loogu adeegsado jilaafooyinka siyaasadda.

Dhinaca Beesha Kursiga iska leh

Beesha kursigaan iska leh ee degta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxay Baarlamaanka Galmudug ku leedahay 6 cod, diidmameeda ama jaceylkeeda wax badan kama tari karo cidda qaadaneyso kursiga, laakiin marka la eego eedaha beesha dhexdeeda ah ee loo heysto Cabdi Qeybdid afartii sano ee lasoo dhaafay waxaad moodaa inuu Xaaf heysto taageero dhinaca Beesha ah.

Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba.

Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf.

Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay.

Si kastaba, loolanka kursigaan waa culus yahay labada ninba waa siyaasiyiin mug leh oo aan xulashadooda la dhayalsan karin .

Cabdi Qeybdid oo sanadkaan gacmaha u laabtay inuu madaxweynaha Soomaaliya u dhiso Cabdikariin Xuseen Guuleed ayey u badan tahay inuu kursiga ku soo laabto haddii uu Qoor Qoor ku adkeysto inuu u bareero halista ka imaan karta Xaaf.

Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid