Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka musuq-maasuqa ka dhanka ah ee ay waddo dowladda federaalka ayaa illaa hadda waxaa lagu soo xiray ama dacwado lagu soo oogay 18 qof, oo kasoo wada jeeda qabaa’illada Soomaalida balse u badan Hawiye.
Hase yeeshee waxay si gaar ah isha u qabatay, ama qeylo-dhaan badan ay ka dhalatay laba sarkaal oo kala ah; Maxamed Aadan Koofi iyo Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), oo kasoo jeeda beesha Ceyr ee Habar-gidir.
Koofi iyo Cabdul, oo labadaba soo qabtay xilka agaasimaha hay’adda socdaalka, iskuna beddelay, ayaa ah labada sarkaal ee ugu sarreeya ee illaa hadda kiiska musuqa uu lugaha la galay, inkasta oo ay beeniyeen eedaha loo jeediyey.
Dad ku abtirsada beeshan ayaa ku dooday in beeshooda si gaar ah loo beegsaday, hase yeeshee kuwo madaxweyne Xasan Sheekh ku beel ah ayaa sheegay in arrintan ay la xiriirto dagaal kala dhaxeeya xubno kale oo Ceyr ah oo dowladda ku jira, oo ay is-haystaan.
Maxaa ka run ah labada sheegasho?
1- Tuhunka la xiriira dagaalka beesha Ceyr dhexdiisa ah ayaa waxaa xoojinaya in agaasimaha NISA Mahad Salaad, iyo hanti-dhowraha qaranka oo horey u sheegay in lacag badan la lunsaday ay labaduba yihiin Ceyr.
Koofi ayaa horey u tuhmay in loo beegsanayo sababo la xiriira inuu doonayo xilka madaxweynaha Galmudug, oo sidoo kale la tuhunsan yahay in Mahad Salaad loo diyaarinayo. Hadalka Koofi wuxuu fursad u noqday dadka madaxweyne Xasan Sheekh ka fogeynaya inuu beesha Ceyr beegsanayo.
Caasimada Online ayaa fahansan inuusan jirin dagaal beeleed lagu beegsaday Cabdul iyo Koofi. Inkasta oo Mahad Salaad awood badan leeyahay, haddana ma lahan awood uu ku saameeyo hanti-dhowraha qaranka. Sidoo kalena, waxa dacwadda soo oogay waa xeer-ilaaliyaha qaranka Suleymaan Maxamuud oo reer Puntland ah.
Mahad Salaad haddii uu doonayo xilka madaxweynaha Galmudug, oo uu la rabo madaxweyne Xasan Sheekh, ma jirto cid hor-istaagi karta.
2- Doodda labaad ee ah in Xasan Sheek beegsanayo Ceyr, waa mid kasii liidata tan koowaad, islamarkaana aan lahayn wax sax ahaansho haba-yaraateen.
Caddeynta ugu weyn ayaa ah in dadka dacwadda lagu soogay ku jiraan kuwa badan oo kasoo jeeda beesha Abgaal ee mdaxweyne Xasan Sheekh, oo xitaa qaarkood ah dad caan ah oo awood leh.
Caasimada Online ayaa xog ku haysa in madaxweyne Xasan Sheekh xitaa codsaday in dadka la eedeynayo haddiiba uu raad soo galo lagu hormariyo kuwa kasoo jeeda Abgaal, si albaab qabaa’il aanu u furmin.
Waa taas sababta dacwadda loogu soo oogay Muxiyaddiin Xasan Jurus Saabey, agaasimihii waaxda canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda, inkasta oo kiiska Cabdul iyo kan Koofi labadaba ka horreeyeen.
Xaqiiqda ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhab ka yahay dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa, oo aysan jirin beel si gaar ah loogu beegsanayo, ciddii baaritaan uu lugaha la galana aan lagu dhaafi doonin beel ahaa.
Sidoo kale, sheekada baaritaanka musuq-maasuqa ma dhowa, waxaana soo socda kiisas ka dhan ah shaqsiyaad kale oo magac leh, waana taas sababta qof kasta oo wax isku tuhmayo uu hadda Muqdisho uga baxay.