Faallo: Dagaalka Tukaraq: Ma dagaal sokeeye! Mise dagaal dawlado?

Dagaalka Tukaraq oo bill-jirsaday, geystana khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo aan la ogeen inta ay gaarsiisantahay, saameyn balaarana ku yeeshay dhammaan Beelaha Waqooyi, Waqooyi Bari iyo Golayaasha Fedaraalka ee Muqdisho ayaan loo helin weli xal siyaasadeed iyo mid deegaan. Waxa uuna kashifay in 30 sano kadib aysan Somaliya weli ka guurin hayb iyo habar wacasho Qabiil, welina lagu murunsanyahay; Magaca dagaalka! Cida wada ama ka danbaysa!

Sababta loo huriyey waqtigaan! Yey faa’iido ugu jirtaa! Yaa laga sugayaa joojintiisa iyo Xalkiisa!.

Dagaal Sokeeye oo u dhexeeya beelaha deegaanka miyaa? Dagaal u dhexeeya dawladda Somaliland iyo dawladda Puntland miyaa? Maamulka Somaliland iyo Maamulka Puntland miyaa? Dawlada Federaalka iyo Maamulka Hargeysa miyaa?

Midnimo-doon iyo Goosasha-doon miyaa? Harti iyo Isaaq miyaa? Jeegaan iyo Majeerteen miyaa? Siyaasiyiinta Sool ee kala jooga Hargeysa iyo Garoowe miyaa?

Haddii aan Magaca, Sababka iyo cida wada dagaalka aan toos loo helin, runtana laga sheegin, loona kala fasirto siyaabo kala duwan, beena laga sheego u jeedka iyo xaqiiqda dagaalka xalkiisa lama gaarayo, lamana garano cida laga sugayo xalka?

Dagaalka Tukaraq sabab kasta ha dhalisee waxa uu daaha ka qaaday dhawr arrimood;

1-Madaxweyne Biixi oo fulinaya talooyin ay siiyeen aqoon-yahanno reer galbeed ah oo Ictiraaf u raadinaya Somaliland iyo balan-qaadkiisii ahaa in uu Xuduuda Somaliland iyo Ictiraafkeeda keenayo.

2-Madaxweyne Gaas oo doorashada kusoo dhaw awgeed raba in uu dagaalka dhibco ka helo ama mudada ku kordhisto.

3-Khilaafka Khaliijka iyo taageerada Emaaraatka oo qeyb ka ah.

4-Labada Maamul oo ku fashilmay 28 sano kadib in ay ku qanciyaan labada Gobal ee Sool iyo Sanaag in ay midkood raacaan.

5-Labada Maamul oo ku fashilmay in ay ilaaliyaan Magacii iyo Nabaddii ka jirtay Gobaladaas mudada dheer kadib dagaalada Ceel-Afweyn iyo Tukataq.

6-Maamulka Hargeysa oo raba in uu dagaalka shaati Fedaraal u geliyo si uu taageero uga helo beelaha Somaliland.

7-Maamulka Garowe oo raba in uu arrinta beeleeyo si sheegashada Somaliland ee xuduuda Engriiska meesha uga baxdo.

8-Siyaasiyiinta Sool iyo Sanaag oo ku fashilmay in ay dadkooda maamul u sameeyaan ama labada maamul mid raaciyaan.

9-Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Gobalada Sool iyo Sanaag ee Golayaasha Fedaraalka oo ku fashilmay in ay joojiyaan dagaalada Ceel-Afweyn iyo Tukaraq, Nabad na ugu baaqaan ama u geeyaan, kadibna kala taageeray Hargeysa iyo Garowe.

10-Dawladda Fedaraalka oo eed ka carar awgiis ka gaabsatay dagaalka, markii laga reebo baaq nabadeed oo ay hawada marisay.

Hadaba waxaa nasiib darro ah in Nabadda aan lagu raadi karin qaab dhaqameed loo adeegsado xeerarkii Colaada iyo Nabadda beelaha Somaliyeed, loona mari karin wadadii dagaalka dawladaha iyo qaabka loo dhexdhexaadiyo! Maa daama uu leeyahay muuqaal dawladeed, hoosna ka yahay dagaal Qabiil???.

Dawlada Fedaraalka waxaa u furan:

1-In ay maamul gaar ah u dhisto Gobalada Sool iyo Sanaag kana saarto murankan labadaan Maamul oo daba dheeraaday.

2-In ay u dirto AMISOM oo ay kala dhex dhigto.

3-In ay gogol u fidiso dhaqanka Sool iyo Sanaag si ay aayahooda uga tashadaan.

Haddiise Maamulka Somaliland oo taageero ka helayo Labada Gobal ee Togdheer iyo Waqooyi-galbeed ku adkaysto in uu qasab ku muuqiniyo Gobalada Sool iyo Sanaag taas waxaa ka dhalan kara in 16 ka Gobal ee kale u midoobaan oo iyana muuqiniyaan labada Gobal, si aysan taasi u dhicin waa in ay wadahadal iyo baryo wax ku raadiyaan, haddii ay waayaana Somalidooda iska iimaansadaan!.

W/Q: Mohamed Gacal (Dr Gacal)