Dagaalka Ukraine oo galay maalintii toddobaad iyo wararkii ugu dambeeyey

Kyiv (Caasimada Online) – Ruushka ayaa sii wada duulaankiisa ka dhanka ah Dowladda Ukraine, iyadoona maalintii toddobaad uu guluf ballaaran ka wado dalkaasi.

Ruushka ayaa sidoo kale sii wada weerarkiisa uu ku doonayo in uu kula wareego Magaalooyinka Kyiv iyo Kharkiv, oo saacadihii ugu dambeysay uu duqaymo xoog lihi ka fuliyay, xilli ciidamadiisa dhulka ay ku sii siqayan Caasimadda Kyiv.

Saraakiisha Ciidamada Ukraine waxay sheegeen in Ruushka uu dib u soo cusbooneysiiyay weerarka uu ku hayo magaalo madaxda dalkaasi ee Kyiv. Kyiv ayaa xudun u ah duulaanka Moscow ee dalkaasi.

Sidoo kale jug waaweyn ayaa xalay laga maqlay magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv, waana xilli shalay ay diyaaradaha dagaalka Ruushku ka gaysteen duqayn ay dad rayid ahi ku dhinteen.

Militariga Ruushka ayaa xalay la wareegay gacan ku haynta Magaalada Koonfurta Ukraine ku taala ee Kherson, ka dib dagaal adag oo ay la galeen xoogaga wax iska caabinta.

Ukraine ayaa Ruushka ku eedeysay inay ciidamadiisu hareereeyeen goobaha rayidka, iyagoo markaasi u diidaya inay helaan adeegyada aasaasiga, si Ruushku uu dadku ugu ciqaabo, dagaalkuna uusan ugu sii daba dheeraan.

Xaaladda dalka Ukraine ayaa u muuqato mid faraha ka sii baxeysa, duulaanka Ruushkuna ay dadku arkayaan inuu sii socon doono.

Tan iyo intii uu dagaalku ka bilowday dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay dhowr boqol oo qof, oo dad rayid ahi ay ku jiraan, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.