Mowqif noocee ah ayey DF ka qaadan kartaaa kiiska Ruushka iyo Ukraine?

Muqdisho (Caasimada Online) – 24 February 2022, Ruushka ayaa duulaan dhan walba ah waxaa uu ku qaaday Ukraine, weerarkan uu doonayo inuu guud ahaan kula wareego dalkaasi ayaa lagu sheegay midkii ugu cuslaa tan iyo dagaalkii 2-aad ee adduunka.

Dalalka Mareykanka iyo Yurub ayaa kasoo horjeestay gardarrada Ruushka uu ku burburinayo dal kale oo madaxbannaan iyaga oo cunaqabeyn saaray Moskow, waxaana la rabaa in arrinta la geeyo jimciyadda qaramada midoobey si dunida oo dhan ay meel uga soo wada jeesato.

Haddaba, Su’aasha ay Soomaalida is waydiinayaan ayaa ah: Maxuu noqon karaa mowqifka Soomaaliya, haddii arrintan Ruushka iyo Ukraine la keeno jimciyadda qaramada midoobey,  waxaa ay hordhigtay aqoonyahanno ku takhasusay sharciga, xiriirka caalamiga iyo diblomaasiyadda.

Prof. Xasan Sheekh Cali oo PhD ka heysta xiriirka caalamiga ah, oo aan wax ka weydiinay mowqifka ay tahay iney Soomaaliya ka qaadato haddii arrinta Ruushka iyo Ukraine  la keeno jimciyadda UN-ka waxaa uu leeyahay Soomaaliya waa iney cambaareyso Moskow isaga oo intaasi raaciyey

“Soomaaliya waa in ay si adag u diido duulaanka qaawan ee Ruushku ku soo qaaday Dalka Ukraine, sababta oo ah Dalka Ruushku wuxuu si cad u jebiyay dastuurka qaramada midoobey Qodobkiisa: Chapter 1, Article 4 oo u qoran “Dalalka xubnaha ah waa iney ka reebtoomaan xiriirkooda caalamiga ah iney isku adeegsadaan cagajugleyn adeegsi awood, taas oo khatar galneysa badqabka dunida, khatarna ku ah madaxbannaani dal oo ah waddo kale oo ka hor imaaneysa hadafka loo aasaasay qaramada Qaramada Midoobey” ayuu yiri.

Abuukaate Cabdiwaaxid oo isna ah falanqeeya xagga siyaasadda oo arrinta mowqifka Soomaaliya ay qaadan karto aan wax ka weydiinay waxaa uu ku jawaabay “ Xaaladda aan ku sugannahay noo saamixi mayso in sida reer galbeedku raba si ka duwan aynu u codeyno. Caloosheena ayey ku jiraan. Codkeenuna dhana wax tar uma ah”.

Avv. Yuusuf Cabdi Faarax oo arrintan aan isna ka wareysanay ayaa waxaa uu ku jawaabay “Arrinta ay isku heystaan Ruushka iyo Ukraine waa mid amni, markii uu Ruushka la heshiiyey Cuba oo gantaallada ridada dheer la dhigay xadka Cuba, Mareykanka waa uu qeyliyey, caalamka oo dhan ayaa u hiiliyey, gantaaladii meesha waa laga qaaday, kiiskan waa midkaas oo kale, oo Ruushka waxaa uu diidanyahay in Ukraine ay ku biirto NATO, oo uu ku arko xadkiisa oo gantaalo yaalaan, marka amnigiisa ayuu fiiriyey”.

Marka uu ka hadlay Avv. Yuusuf Cabdi Faarax  mowqifka laga filan karo Soomaaliya waxaa uu yiri “Arrinta labadaas dal waxaa la geeyey golaha ammaanka ee UN-ka, Ruushka waxaa uu saaray codka qayaxan halka India iyo Imaaraadka ka aamuseen, marka hadii kiiska la keeno jimciyadda Qaramada Midoobey waa iney Soomaaliya isaga aamusto ugu yaraan, oo ay qaadato mowqif dhexdhexaad ah, waayo dhibaatadaas waa mid u taala dalalka waaweyn, taageerada wax maslaxad oo noogu jira ma leh, haddii aan Ruushka taageerno caalamka reer galbeedka oo dhan ayaa naga xumaanayo, waa falcelin xun, waxaa nahay dal ciidamo ajnabi joogaan, oo taageero ka hela reer galbeedka, sabab aan Ukraine u taageernana leh”.