Dagaallka Ukraine: IRAN oo qaaday tallaabo xasaasi ah

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa u ballan-qaaday Ruushka inay siin doonto gantaallada dhul ka dhulka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone), sida ay laba sarkaal oo sare iyo laba diblomaasi oo Iranian ah u sheegeen wakaaladda wararka Reuters. 

Heshiiskan ayaa la gaaray 6-dii October markii madaxweyne ku-xigeenka Iran Mohammad Mokhber iyo saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo Golaha Sare ee Amniga Qaranka ay booqdeen Moscow, halkaasi oo ay Ruushka kula yeesheen wadahadallo ku saabsan sidii hubkaas loo gaarsiin lahaa.

“Ruushku waxay weydiisteen diyaarado Drone iyo gantaallo ballistic oo dheeraad ah oo shiishkoodu saxan yahay, gaar ahaan gantaallada Fateh iyo Zolfaghar,” ayuu yiri diblomaasi sare oo Irani ah oo lala wadadaagay xogta safarka.

Sarkaal Reer Galbeed ah oo helay xogtan ayaa sidoo kale xaqiijiyey, wuxuuna sheegay inuu jiro heshiis dhexmaray Iran iyo Ruushka oo gantaallo ay ku jiraan nuuca Zolfaghar lagu siinayo Moscow. 

Mid ka mid ah diyaaradaha drone-ka ee Iran ay ogolaatay inay Ruushka siiso ayaa ah Shahed-136.

Fateh-110 iyo Zolfaghar ayaa ah gantaallada riddada gaaban, waxayna weerari karaan masaafo u dhaxeysa 300 ill 700 km. 

Diblomaasi Irani ah ayaa diiday sheegashooyinka saraakiisha Reer Galbeedka ee ah in gudbinta hubkaas ay jebineyso qaraarkii Golaha Ammaanka QM ee 2015. 

“Halka lagu isticmaalayo gantaalladaas waxba kama gelin iibiyaha. Cidna lama jirno marka ay noqoto dagaalka Ukraine sida Reer Galbeedka oo kale. Waxaan dooneynaa in xasarad lagu soo afjaro hab diblomaasiyadeed,” ayuu yiri. 

Ukraine ayaa ku warrantay inay kordheen weerarada Ruushka ee loo adeegsanayo diyaaradaha Drone-ka ee Shahed-136 toddobaadyadii dhowaa. 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran ayaa Talaadadii ku gacan sayrtay oo kuwa aan sal laheyn ku sheegtay eedeymo ah inay hub iyo drone siisay Ruushka si ay ugu adeegsadaan Ukraine, halka Kremlin-ka uu Talaadadii beeniyey in ciidamadooda ay drone-ka Iran ku weerareen Ukraine.