Odowaa oo Somaliland iyo Puntland ka dalbaday arrin la xiriirta Al-Shabaab (Daawo)

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo haatan ku sugan caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay abaabulka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee hadda ka socda halkaasi.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka kooxdan, si loogi wajaho, loogana saaro guud ahaan dalka.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay gurmad iyo inay toos uga qayb qaataan dagaalka ay wado dowladda Soomaaliya, isaga oo farriin u diray Puntland iyo Somaliland.

“Dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada aan hadda Shabaab Front Line-ka ka aheyn taakulaa laga rabaa, garabaa laga rabaa, hiilaa laga rabaa. Dadkaas kuwa deegaankan kaliya jooga ma’aha Puntland iyo Somaliland ayaa ka mid ah,” ayuu yiri xildhibaan Odowaa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay labada maamul ee Somaliland iyo Puntland inay garab istaag u muujiyaan dadka shacabka ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, isaga oo ka codsay in hub iyo ciidan ay usoo diraan deegaanada lagula dagaalamayo kooxda Shabaab.

“Haddii ay carigaan qararamsadaan meel ay daynayaan lama arko meel walbo saas ayey u rabaan inay tegaan, marka maamulka Puntland iyo maamulka Somaliland iyo wixii kale oo Soomaali ah oo ka nabad qaba nimanka gurmadka wax haka soo galaan, haddii ay rag soo diri karaan hasoo diraan iyo gabdho haddii ay hub & rasaas soo diri karaan” ayuu raaciyey.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhalatay howlgallad lagu qaaday Al-Shabaab ee haatan ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo sii xoogeystay markii ay dagaalka ku biireen dadka shacabka ee ku dhaqan gobollada dalka.