Sawirro: Guddoomiye Aadan Madoobe oo soo dhoweyn loogu sameeyey Brussels

Brussels (Caasimada Online) – Xaflad lagu soo dhaweynayey Gudoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)oo howlo shaqo u jooga wadanka Belgium-ka ayaa waxa ay ka dhacday xarunta safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi. 

Xaflada soo dhoweynta oo uu soo qaban qaabiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Benelux Danjire yoonis Yaasiin Xaashi (Oogacadde) ayaa waxaa ka qeybgalay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Belgium-ka. 

Danjire yoonis Yaasiin Xaashi oo ka hadlay xafladda soo dhoweynta ayaa wax uu sheegay in ay ku Faraxsanyihiin in Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu Safaaradda ku la hadlo shacabkiisa  waxaana uu intaas ku Daray in loo baahanyahay in Dowladda Soomaaliya lagu garab istaago howlaha ay qaranka uu heyso oo ay ka mid yihiin ladagaalanka argigixisadda iyo u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolada Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo hadal ka jeediyay xaflada lagu soo dhoweynayay ayaa ugu horeyn Jaaliyada Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda guud ee wadanka gaar ahaan dadaaladda dowladda soomaaliyeed oo kaashanaysa shacabkeeda ugu jirto ciribtirka kooxaha khawaariijta ah iyo sidoo kale samatabixinta dadka ay abaaruhu saameynta xoogan ku yeesheen,waxana uuna sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay kaalinta dadka soomaaliyeed meel walba ay joogaan. 

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kula dardaarmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Belgium-ka in ay taageera buuxda la garab istaagaan dowladooda ay si ugu guuleysato ciribtirka kooxaha nabad diidka ah iyo samatabixinta dadka ay abaaraha saameeyeen. 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa intii uu joogay wadanka Belgium-ka waxa uu sidoo kale kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi haweeneyda lagu magacaabo Eliane Tillieux oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda,waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe kulanka ku wehliyay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo wadamada Benalux Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi (Oogacadde).