SOOMAALIYA oo qarka u saaran musiibo aan la arag

Geneva (Caasimada Onlin) – James Elder oo ah Afhayeenka guud ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa ka dayriyey xaaladda Soomaaliya, taas oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalkeenna.

Afhayeenka hay’adda UNICEF ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hal qof oo ilmo yar ah ay daqiiqad kasto la seexiyo isbitaallada daaweynta nafaqo-darrada ee Soomaaliya, halkaas oo abaar ba’an ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni.

James Elder ayaa sidoo kale xusay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen 250,000 oo qof.

Dhanka kale afhayeenka ayaa ku celiyey baaqiisa ku aaddan u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha, isaga oo shaaciyey inay u baahan yihiin jawaab deg deg ah oo naf badbaadin ah, si looga hortego halista ay wajahayaan qoysaska tabaaleysan.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado is biirsaday oo ka dhashay abaaraha ka jira dalka iyo sidoo kale barakac ka dhashay dagaallada xoogan ee ka socdo Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ayaa wada gurmad xoogan iyo dadaallo lagu samata bixinayo dadla ay saameeyeen abaaraha, walow gurmad ku filan aan la gaarsiin dadkaas.