Dagaallo culus oo dib uga billowday gobolka Tigray iyo TDF oo qabsaday magaalooyin

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaallo u dhexeeya ciidamada milatariga Itoobiya iyo fallaagada (TDF), oo ah koox ka dhalatay isu-tagga TPLF, maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidan kasoo goostay dowladda federaalka, ayaa lagu soo warramayaa inay dib uga qarxeen waqooyiga dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalladan dib uga billowday gobolka Tigray ay yihiin kuwii ugu cuslaa waxii ka dambeeyey bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, xilligaas oo ay dowladdu shaacisay inay ku guuleysatay dagaalladii ka socday gobolkaasi.

Xoogaga fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa shaaciyey inay la wareegeen gacan ku heynta magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolka, isla-markaana ay haatanka talinayaan.

Sidoo kale goobjoogayaal la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay arkeen xoogaga fallaagada oo roondo ka sameynaya magaalooyinkaasi.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay milatariga Itoobiya ayaa beeniyey wararka soo baxaya ee ku aadan in ciidamada fallaagadu ay la wareegeen magaalooyin ku yaalla Tigray, iyaga oo tilmaamay in wararkaasi ay yihiin been abuur  lagu faafiyey baraha bulshada Internetka.

Dagaalka gobolka Tigray ayaa saameyn xoogan ku yeeshay gobolka, waxaana ku dhintay kumanaan, iyada oo ay ku barakaneen kumanaan kale oo rayid ah.

Waxa kale oo haatan gargaar deg-deg ah u baahan illaa shan milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Itoobiya, kuwaas oo 350,000 ka mid ah ku nool yihiin xaalad macluul ah.

Itoobiya ayaa haatan ku jirto marxalad doorasho ayaa waxaa ku daba-dheeraadau dagaallada ka socda gobolka Tigray, kuwaas oo saameeyey xasiloonida dalkaasi.