Rag hubeysan iyo gaari ay wateen oo duleedka Muqdisho lagu qabtay kadib dagaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo laga helayo warar kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo beegsaday bar-koontarool ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramcad ay ku leeyihiin halkaas oo sidoo kale laga ilaaliyo dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in weerarka, kadib dagaal kooban uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo raggii hubeysnaa, kaas oo ay guullo ka sheegteen ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa gaarka ah ee Haramcad.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday iyo baabuur NOHA ah oo ay wateen kooxdaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in haatan baaritaano dheeraad ah lagu hayo ragga gacanta lagu dhigay, kuwaas oo ay la wareegeen hay’adaha ammaanka dowladda.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa saaka deggan, waxaana ku sugan ciidamada Haramcad oo howl-gallo amni xaqiijin ah ka bilaabay halkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah ah amniga, kuwaas oo u badan dila qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay galeyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha intaba.