Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay ‘nin dilay’ hooyadiis oo 72 jir aheyd iyo walaalkiis

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukun dil toogasho ah ku fuliyey nin lagu eedeeyey ‘inuu toorey ku dilay hooyadiis oo 72 jir aheyd iyo walaalkiis’, kaas oo ay xukuntay maxkamadda Al-Shabaab.

Dilkan qisaasta ahaa ee lagu fuliyey marxuum Maxamed Calow Cabdi ayaa waxa uu ka dhacay fagaare ku yaalla deegaanka Shaw oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhacdadan argagaxa leh ee ka dhacday degmada Jalalaqsi, kadib markii ‘gacan ku dhiiglaha’ la toogtay uu mindi ku dilay hooyadiis marxuumad Xaliimo Cismaan Cumar iyo sidoo kale walaalkiis Macalin Maxamuud Calasow Cabdi.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa boqalaal dadweyne ah oo la’isugu yeeray fagaarahaasi iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo maamula deegaanka Shaw oo ayqisaastu ka dhacday.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaciyey in ninka la toogtay uu soo dacweeyey walaalkiis Ibraahim Calasow Cabdi, isaga oo intaasi ku daray in gacan ku dhiigalaha uu qirtay inuu geystay dilka hooyadiis iyo walaalikiis oo uu mindi ku gowracay.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana ku yaallo maxkamado la soo taago eedeysanayaasha ay gacanta ku dhigto kooxdaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.