Su’aalo ka dhashay sawir Farmaajo ah oo lagu daray boorarka maalmaha xorriyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda diyaar garowga maalmaha xorriyada ee ku asteysan xuska sanad guurada 61-aad ee markii laga xoroobay gumeystihii Ingriiska iyo Talyaaniga 1960-kii.

Magaalada Muqdisho oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga maalmaha xorriyada ee 26-June iyo 1-da Luulyo ayaa waxaa wadooyinka Muqdisho la suray tabeelooyin lagu muujinaayo qiimaha maalmaha xorriyada. Hase ahaatee waxaa tabeelooyinka la suray ka mid ah mid uu sawiran yahay madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu hoos qoray “Lixdan iyo kow guurada Xorriyada iyo Midnimada 1960-2021”.

Sawirkaan oo baraha bulshada si weyn looga faafiyay ayaa dhaliyey su’aalo xoogan oo ku saabsan danta laga leeyahay, wuxuuna muujiyey marin habaabin jiilka danbe lagu sameynaayo iyo gudbinta in Farmaajo lala meel dhigay halgamayaashii xorriyada usoo halgamay ee dhiigooda iyo dhiicaankooda ku baxay, inkasta oo uusanba dunida joogin maalinkii la qaatay xoriyadda.

Qoraalada barraha bulshada la isla wadaagay ayaa dhamaantood muujiyay in ay gef iyo aqoondari inay tahay in sawir lagu muujinaayo maalmaha xorriyada in lagu soo gudbiyo madaxweyne mudo xileedkiisa dhamaaday, taasoo dhaawacaysa dowladnimada iyo xuska loo sameynaayo maalmaha xorriyada.

In boorarka lagu xusaayo halgamayaashii xorriyada usoo dagaalamay in lagu xardo sawirka madaxweynaha waxay muujineysaa ama gudbineysaa in shaqsiga lagu sawiray lala meel dhigo halgamaayaashii xorriyada soo gaarsiiyay dalka, taasina waa qeyb ka mid ah marin habaabinta iyo xukun jaceylka ku dhisan diktatooriyada.

Tan iyo burburkii dalka Somalia soo maray ee dowladdihii KMG iyo tii danbe ka gudubtay KMG marna ma dhicin in maalmaha xorriyada madaxweyne lagu xayeysiiyo, iyadoo guddiyadii abaabulka maalmahaasi ay si waafaqsan sharciga iyo muujinta dareenka jaceyl ee loo qabay halgamayaashii gumeysi la dirirka lagu muujin jiray boorarka loo diyaariyo maalmaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Gobolada Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa markii ugu horeysay gumeysitihii Ingriiska xornimada ka qaatay 26-kii June, halka gobolada Koonfureed ay ka xoreebeen gumeystihii Talyaaniga 1-dii Luulyo, halkaasina uu ka dhashay israacii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.