Turkey oo masaafurinaya nin Japanese ah oo arrin yaab leh dalkaas ka sameeyey

Istanbul (Caasimada Online) – Muwaadin u dhashay dalka Japan ayaa lagu wadaa in dowladda Turkiga ay masaafuriso kadib markii ay booliska magaalada Istanbul ku ganaaxeen dilka iyo cunista Biyadaha, sida uu baahiyey wargeyska Daily Sabah.

Wargeyska ayaa sheegay in Ninka Japanese-ka uu ku dhawaad saddex sanno deganaa degmada Kucukcekmece ee magaalada Istanbul, isaga oo dhowr jeerna la arkayey isaga oo baaldi ku sita bisado dhowr ah.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa wargeyska u sheegay inuu arkay Ninkaas oo sita Shan bisado ah, kaasi oo ugu dambeyntii ku wargeliyay booliska toddobaadkii lasoo dhaafay.

Booliska ayaa xiray Ninkaan, wuxuuna qirtay inta ay wareysiga ka qaadayeen inuu ceeji ku dilo oo uu cuno bisadaha. Waxaana lagu riday ganaax lacageed oo dhan 10,375 Lira oo u dhiganta 1,212 doollarka Mareykanka ah.

“Waxaa loo wareejiyay Ninkaan Japanese-ka ah xarun u xilsaaran masaafurinta ajaanibta,” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Daily Sabah.

Si kastaba, Istanbul ayaa waxay caan ku tahay bisado badan oo aan deegaan laheyn, waxayn kamid tahay magaalooyinka Turkiga ee ay bisado kor u dhaafaya 125-kun ay daryeel u fidiyaan mas’uuliyiinta iyo bulshadu.