Sacuudiga oo billaabay olole ka dhan ah Itoobiyaanka

Riyadh (Caasimada Online) – Booliska Sacuudiga ayaa waday 10-kii cisho ee u dambeeyay qab-qabashada muwaadiniinta Ethiopian-ka ah ee ku sugan dalkiisa, kuwaasi oo si kala sooc laheyn loogu guray xabsiyada, sida uu baahiyey wargeyska Middle East Eye.

Howl-gal ay sameeyeen booliska Sacuudiga oo lagu bartilmaameedsanayay xaafadaha ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah ayaa waxaa lagu xiray kumanaan Ethiopian ah oo ku baahsan boqortooyada.

Waxaa howl-galka si isku mid ah loogu soo qabtay Ethiopian-ka aan sharciga haysan iyo kuwa dukumtiyada leh, midaasi oo mowjada xariga ka dhigtay mid bartilmaameed gaar ah, taasi oo bilaabatay saqdii dhexe ee habeenimadii 11-kii June.

Ethiopian-ka ku sugan Sacuudi Carabiya oo la hadlay wargeyska ayaa ku sifeeyay howl-galka booliska “qab-qabasho aan kala sooc lahayn”, waxayna sheegen in qaarkood ay booliska xoog ku galeen guryahooda.

“Booliska waxay dhaheen ‘waxaan haynaa amarro aan ku qaadano wixii Xabashi ah’. Xataa sababaan ku qanacno nama siiyaan. Waxay joojinayaan qof kasta oo u muuqda inuu Ethiopian yahay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka degan Jeddah.

Hawl-gallada booliska ee muhaajiriinta ku sugan Sacuudi Carabiya ayaa aheyn mid ku cusub dalkaas, balse midkaan ayaa waxa uu kaga gedisan yahay in booliska uu ku darayo dadka uu aruurinaya xataa kuwa haysta degenaanshaha sharciga ah, midaasi oo si rasmi ah loo ogeyn ujeedka ka dambeeya.

Sacuudiga ayaa tallaabada masaafurinta inta badan uga dan leh yareynta dadka tirada badan ee waddanka ku nool ee aan haysan dukumiintiyada, kuwaasi oo badankoodna ay yihiin Ethiopian. Waxaa xusid mudan in howl-gal kan lamid ah oo dhacay sanadkii 2013-kii ay dowladda xirtay oo ay masaafurisay ilaa 100,000 oo Ethiopian ah.

Si kastaba, 10-kii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxay booliska soo qabteen tiro aad u badan oo Ethiopian ah oo wata waraaqaha degenaanshaha sharciga, kuwaasi oo qeyb ka ah dadka ay soo aruuriyeen, waxaana socda dadaalo ku aadan furdaaminta dadkaas oo ay ku howlan tahay qunsuliyada Ethiopia ee Jeddah.