Dahabshiil oo aqbashay in ay bixiso lacagtii ay Maxkamadda Holland ku ganaaxday + Document caddeyn ah.

Shirkadda Dahabshiil, ayaa ogolaatay inay bixiso lacag ay ku ganaaxday maxkamad ku taalla dalka Holland, oo la xiriirta dacwad ay ku fashilantay oo ay ku oogtay milkiilaha Waaga Cusub, Dahir Alasow, oo sidoo kale ah madaxa ururka Associated Somali Journalists.

Kadib markii 30-kii November ay Maxkamadda Breda ee dalka Holland laashay kiis maamulaha Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil uu ka gudbiyay Dahir Alasow, ayaa maxkamada waxa ay sidoo kale Dahabshiil ku xukuntay inay bixiso lacag ganaax ah, oo ah watqigii iyo qarashkii ay ka lumisay Waaga Cusub.

Haddaba 4-tii bishan ayay shirkada garyaqaanda matalayay Dahabshiil ee Bird and Bird waxa ay warqad ogolaansho u direen kooxda difaaceysa Dahir Alasow ee De Vos and Partners.

Bird and Bird waxa ay cadeeyeen in Dahabshiil ogolaatay inay bixiso dhammaan lacagta oo aysan sheegin cadadeeda, hase yeeshee ay racfaan u qaadan doonaan maxkamadda.

Kooxda Dahabshiil waxa ay kale oo ay ku hajnabeen inay billaabi doonaan dacwad ka dhan ah Dahir Alasow, haddii sida ay sheegeen uu daabaco warbixin aan sharci ahayn oo ka dhan Dahabshiil, inkasta oo xitaa ay jirto in laba dacwad hore oo ka dhan ahaa Mr. Alasow ay ku fashilmeen.

Halkan ka arag Warqaddii kooxda Dahabshiil ee Bird and Bird u direen kooxda Waaga Cusub ee De Vos and Partners.