Dal Afrikan ah oo sheegay in uusan cudurka Coronavirus ku dhici karin oo ay kaga jiraan ‘bad-baadada Ilaah’

Bujumbura (Caasimada Online) – Burundi oo horey u sheegtay in sababta uusan usoo gaarin cudurka coronavirus ay tahay “inuu Ilaah bad-baadinayey”, ayaa hadda laga helay saddexdii kiis ee ugu horreysay. Hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa ku adkeysanaya in weli ay ku sugan yihiin “bad-baadada ilaah”, oo aan loo baahneyn in la faro-geliyo nolosha dadka.

Xisbiga talada haya ayaa shacabka u sheegay inaan loo baahneyn inay ka wel-welaan cudurkan ku faafaya caalamka oo dhan, ayaga oo ogolaaday in nolosha ay sideeda kusii socoto, oo xitaa qabanaya doorasho madaxweyneoo la qorsheeyey 20-ka May.

“Ha cabsanina. Ilaah wuu jecel yahay Burundi. Haddii ay jiraan dad cudurka laga helay, waxaa laga yaabaa inay tahay mid ilaah uu awooddiisa ugu muujinayo Burundi,” waxaa sidaas yiri General Evariste Ndayishimiye, oo ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga talada haya ee CNDD-FDD.

“Haddii saddex kiis halkan laga helay… waxaa la ii sheegay in xaaladdoodu wanaagsan tahay, ogowna coronavirus dadka ayuu ku dilayaa meelo kale,” ayuu Ndayishimiye u sheegay taageerayaashiisa.

Ayada oo go’doomin lagu soo rogay dalal badan oo ka mid ah Africa ay hakisay noloshii caadiga ahayd ee dadka, ayaa baararka iyo maqaayadaha weli ay ka furan yihiin Burundi, waxaana ay mas’uuliyiinta ay meesha ka saareen inay soo rogaan amaro xayiraad ah.

Xafladaha aroosyada iyo tacsiyadaha ayaa weli dhacaya, ayada oo kumanaan qofna ay si caadi ah u aadaan kaniisadaha iyo masaajidada. Xitaa waxaa weli socda horyaalka heerka labaad ee cayaaraha.

Qiyaastii 80-90% dadka Burundi ayaa ah Kirishtan.

Si kastaba, shacabka qaarkood ayaan dhageesaneyn dowladda, waxayna billaabeen inay qaadaan tallaabooyin gaar ah oo ay isaga ilaalinayaan cudurka.

Dhinaca kale, diblomaasi ku sugan Burundi oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in tallaabooyinka dowladda ay qaadeyso ay yihiin kuwa siyaasadeed, oo aan ahayn caafimaad, sababtoo ah ayada oo ay ka go’an tahay in la qabto doorashada 20-ka may.

AFP + VOA