DAL kale oo YURUB ah oo dhowaan muwaadiniintiisa kala baxaya Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isi-soo taraya dalalka dadkooda ka daad gureysanaya Soomaaliya sababo la xariira cudurka Coronavirus oo si aad ah ugu sii faafaya dalka.

Waxaana haatan soo baxaya warar sheegaya in dowladda Sweden ay qorsheyneyso in saacadaha soo socda ay Soomaaliya kala baxdo muwaadiniinteeda.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Sweden ay Muqdisho u soo direyso diyaarad khaas ah si ay dalkooda ugu celiso muwaadiniinta ka jooga Soomaaliya, sida Diplomaasiyiinta iyo Soomaalida kale ee dhalashada ka heysta dalkaas ee ku xayirmay dalka, kadib markii la joojiyay duullimaadyadii caalamiga ahaa.

Muwaadiniinta iyo Diplomaasiyiinta kale ee Sweden ka jooga Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay inay u diyaar garoobaan safarkaas, in kastoo uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda ay dowladda Sweden ku leedahay Muqdisho.

Horay dowladaha Turkiga, Mareykanka iyo UK ayaa Soomaaliya ugala baxay muwaadiniintooda, kadib markii ay ku xayirmeen saameynta cudurka Coronavirus awgiis.