DF oo war kasoo saartay go’aanka maxkamdda ICJ ay dib ugu dhigay dhageysiga kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay go’aanka ay maxkamadda cadaaladda Aduunka ee ICJ ay dib ugu dhigtay dhageysiga kiiska badda ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay maxkamaddu u iclaamisay in uu bilaawdo 15-ka bisha Maarso ee sanadka 2021-ka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo goor dhaw ka hadlay go’aankaas kasoo baxay maxkamadda ICJ ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, balse haatan ay dowladdu ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib loogu dhigay dhageysiga kiiska ee kasoo baxay maxkamadda.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in sidoo kale ay maxkamddu go’aamisay in dhageysiga dacwadda uu noqon doono mid afka ku saleysan oo aysan jiri doonin caddeymo qoraal ah, kuwaas oo maxkamadda lala tegi doono, maadaama labada dowladood ay horay u geeyeen caddeymaha ay dacwaddooda saldhigga uga dhigayeen.

Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista oo ay Kenya usoo gudbisay maxkamadda, sidoo kalena eegeen xaaladda adag ee uu sababay xanuunka Coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo 15-ka bisha Maarso ee sanadka 2021-ka.

Dhowr jeer oo hore ayaa dib loo dhigay dhageysiga kiiskan, kadib codsiyo maxkamadda uga yimid dowladda Kenya, balse haatan waxaa lagu cadeyay qoraalka ICJ in saameynta xanuunka Coronavirus uu qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista.

Jadwalka cusub ee dhageysiga dacwadda ayaa ah:

Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

Halkan ka Daawo Mahdi Guuleed