Dalal iyo urur caalami ah oo sheegay waxa ay ka dhigan tahay guusha Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dalalka iyo ururada caalamiga ayaa soo dhoweeyey doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiska la wareegaya kadib bilo ay Soomaaliya ka jirtay xasillooni la’aan siyaasadeed.

Shacabka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa isugu soo baxay waddooyinka, waxaana dhacayey rasaas si loogu dabaal dego natiijada doorashada oo lagu dhowaaqay saqdhexe.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa madaxweynaha cusub ugu hambaleeyey guushiisa. “Waxaan rajeyneynaa inaan isaga iyo kooxdiisa kala shaqeyno horumarinta ahmiyadaha qaran, sida nabadda, ammaanka iyo xasilloonida, sanadaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska UNSOM.

Safiirka UK ee Afrika ayaa sidoo kale u hambaleysay madaxweyne Xasan, oo horey dalka usoo hoggaamiyey 2012 illaa 2017, kaasi oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey dalka ee dib loo doorto. 

UK “waxay rajeyneysaa inay si dhow ula shaqeyso oo ay ka taageerto xasillooni dhisidda, wax ka qabashada Al-Shabaab iyo taageerada kuwa ay saameeyeen abaaraha,” ayey twitter kusoo qortay wasiir Vicky Ford.

Madaxweyne Xasan ayaa ballan-qaaday inuu Soomaaliya ka dhigi doono “dal heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in guusha Xasan Sheekh “ay daliil cad u tahay aaminaadda iyo kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan tayada hoggaankooda.”

Safaaradda Jarmalka ee Muqdisho ayaa iyana qoraal ay soo saartay ku tiri “Hambalyo madaxweyne Xasan Sheekh in lagu doortay mar kale, Hambalyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed in lasoo geba-gebeeyey hanaan doorasho oo si weyn dib ugu dhacay. Waa waqtigii horey loogu dhaqaaqi lahaa mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah oo ay Soomaaliya yeelato.”

“Erayo kuma muujin karo sida aan u faraxsanahay, Inshaa’Allah. Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu yiri Xasan Maxamuud Maxamed oo ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Ka sokow wax ka qabashada abaarta iyo amniga, madaxweyne Xasan waxaa sidoo kale laga sugayaa inuu dhayo boogihii ka dhashay bilo dagaal siyaasadeed ah oo ka dhex-jira dowladda iyo dowladda iyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii xalay la dhaariyey wuxuu madaxweyne Farmaajo ku amaanay inuu sahlay in si nabdoon xukunka lagula kala wareego. “Waa inaan horey u dhaqaaqnaa oo aynaan dib u laaban. Waa inaan dhaynaa dhammaan booigihii,” ayuu yiri.