Dalalka Canada iyo Saudi Arabia oo xiisad culus ay ka dhex qaraxday (Sababta)

Riyadh (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalda Riyadh Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa hakisay xiriirkii ganacsigii iyo maalgalintii kala dhaxaysay dowlada Canada.

Dowlada Sacuudiga ayaa arrintaas ku sababaysay xadgudub iyo faragalinta amuuraheeda ku hayso dowlada Canada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in ay erineyso safiirka Canada ayna la soo laabanayso midkeedii Canada u fadhiyay.

Wasaaradu waxa ay Safiirkeeda Canada fadhiya uga yeertay in si dhaqsi ah kusoo gaaro dalka, halka muddo 24 saac u qabatay in Safiirka Canada uga baxo dalkeeda.

Xiriirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Canada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, kaddib markii dowladda Canada ay si kulul uga hadashay xariga dad u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka oo dhowaan dowladda Sacuudiga xabsiga u taxaabtay, iyagoo ku baaqay in la sii daayo.

Dowladda Sacuudiga ayaa ka carootay tallaabada dowladda Canada uga hadashay xariga dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, waxaana ay ku tilmaamtay mid faragelin ku ah arrimaha gudaha Sacuudiga.

Xukuumadda Riyadh ayaa sheegtay in hadalka ka soo yeeray Canada ee ku aadan u dhaq dhaqaaqayaasha bulshada rayidka ay tahay hadal xun oo xaqdaro ah

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.

Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.

Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.

Dawladda Canada ilaa iyo hadda kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Riyadh

Caasimada@live.com