ONLF oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan gobolka Soomaalida dalka Ethiopia

Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ee u dagaalama gobonimada gobolka Soomaalida ee Ethiopia ay xoogga ku haysato ayaa soo saaray bayaan ku saabsan xaaladda gobolka iyo is-marin waaga ka taagan madaxweynaha maamulka Cabdi Iley iyo ciidamada federaalka Ethiopia. Hoos ka aqriso bayaanka.

Bayaan ONLF

Dawlada Federalka Itoobiya ayaa ciidankeeda ku amartay in magaalada Jigjiga la weeraro si gacanta loogu dhigo maamulka kajira gobolka Soomaalida Ogadenya. Talaabadan aan loo wada dhanayn ee ay qaaday Itoobiya ayaa galaafatay inay dad badan naftooda ku waayaan, sidoo kalena fawdo, xasilooni darri, iyo boob hantiyeed u horseeday. Shacabka Soomaalida Ogadenya ayaa ka filayay dawlada Itoobiya xasilooni iyo nabadgaliyo inay heli doonaan balse taas badelkeeda waxay kala kulmeen duulaan iyo weerar awood ciidan loo adeegsaday.

Waxay Jabhada ONLF rumaysantahay in xal kasta oo ku meelgaadh ah oo laga gaadho gobolka Soomaaliyeed uu iman karo oo kaliya hadii laga qaybgaliyo xal u helista gobolka dhinacyada ay khusayso sida Jabhada ONLF, Dawlada Dhexe iyo dhamaan qaybaha kale ee daneeya xal uhelida Gobolka Soomaaliyeed. Talaabo kasta oon loo wada dhanayn laguna heshiinin, waxay sii cakiri kartaa xaalada gobolka ka taagan, sidoo kalena waxay horseedi kartaa cawaaqib aan lasaadaalin karin mustaqbalka saamaynta ay yeelan karto.

ONLF waxay ugu baaqaysaa Ra’iisul-wasaaraha cusub ee Itoobiya in uu joojiyo talaabo kasta oo militari oo ka dhan ah Soomaalida Ogadenya isla markaana uu ku dhawaaqo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaalada Gobolka Ogadenya, taas oo ay kamid tahay wada hadal toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo ONLF, arintan oo u horseedi karta shirwayne qaran oo loogu gogol xaadho sidii isbedal guud oo loowada dhan yahay loogu soo dabaali lahaa Gobolka Soomaalida isla markaana looga arinsan lahaa mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

ONLF waxay shacabka Soomaalida Ogadenya ugu baaqaysaa inay u istaagaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda isla markaana aysan ogolaanin in dadyaw kale oo iyaga aan ahayn inay u yeedhiyaan mustaqbalkooda ay xaqa u leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, goobaha diimaha lagu caabudo iyo hantida shacabka ee sida gaarka ah loo leeyahay waa in laga difaacaa kuwa danaha gaarka ah wata ee bartilmaameedsanaya.

ONLF waxay ku baaqaysaa in la joojiyo dagaalka ka socda xadka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada. Dagaalkan ayaa hadii uu sii socdo keeni kara xasilooni darro saamaysa xidhiidhka u dhexeeya labada qawmiyadood ee dariska ah.

Waxaa dhamaan xubnaha ONLF ee gudaha Ogadenya ku sugan laga codsanayaa inay xaalada dejiyaan oo ay ka qayb qaataan sidii xasilooni iyo nabadgaliyo loogu horseedi lahaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka qaybqaataan sidii shacabka loogu wacyigalin lahaa ixtiraamka iyo ilaalinta nafta, maalka iyo goobaha diimaha ee ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gudaha Ogadenya.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ONLF.