Dalalka Masar iyo Sudan oo billaabay dhoolatus militari iyo arrinta ka dambeysa

Khartoum (Caasimada Online) – Dalalka Masar iyo Suudaan ayaa si wada-jir ah u bilaabay dhoolatus millateri, kaasi oo ay wada sameynayeen ciidamada labada dal, oo xiisad xoogan kala dhaxeyso dowladda Itoobiya.

Dhoolatuska millateri oo labada dal ay ugu magac dareen ‘The Nile Eagles-1’ ayaa waxa uu labo maalmood ka hor ka bilowday saldhig ay ciidamada cirka leeyihiin oo ku yaala waqooyiga dalka Suudaan, waxaana uu socon doonaa ilaa 26-ka bisha November.

Waxa uu noqonayaa dhoolatuskan midkii u horeeyey ee labada dal ay si wada-jir ah u sameeyan, tan iyo markii uu xilka Suudaan hayey toddobaatamaadkii madaxweynihii hore, Jacfar Al Numeyri.

“Dhoolatuska si wada-jirka ah ay ciidamada cirka labada dal ay u sameynayaan waxaa lagu soo bandhigayaa waxyaabo dhowr ah sida; qorsheyaal iyo maamulidda ciidamada cirka labada dal, duqeymaha iyo howl-gallada difaaca ah ee loo adeegsanayo iskaashiga dhanka ah diyaaradaha dagaalka labada dal” ayuu yiri Afhayeen u hadlay ciidamada Masar oo ku xusnaa bayaan lasoo saaray.

Afhayeenka ayaa intaas kusii daray “Sidoo kale, ciidamada cirka waxay sameynayaan dhoolatus dhanka baadi goobka iyo badbaadinta”.

Masar iyo Sudan ayaa muddooyinkii dambe kor u qaadayey xiriirkooda diblumaasiyadeed, iyada oo ay Taliyeyaasha ciidamada ee labada dhinac ku kulmeen 31-kii bishii Oktoobar magaalada Khartuum, kuwaasi oo qalinka ku duugay in la xoojiyo iskaashiga dhanka militeriga

Dhoolatuska labada dal ayaa imanaya xili ay dowladda Itoobiya kala dhaxeyso xiisada webiga Nile, kaasi oo ay Suudaan, Masar iyo Itoobiya ku guul-dareysteen inay gaaran wada-hadal muranka ka taagan biyo xireenkaasi.

Waxa kale oo uu kusoo aaday dhoolatuska Masar iyo Sudan xili ay dowladda federaalka Itoobiya ay ku jirto dagaal gudaheeda, kaasi oo ay ku beegsaneyso maamulka Tigrey-ga oo gaashanka u daruuray xukuumada Abiy Axmed.