ABIY oo diiday cadaadis caalami ah kadibna qaaday tallaabo ka dartay dagaalka

Mekelle (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa diiday cadaadis kaga yimid beesha caalamka oo ku saabsanaa inuu soo geba-gebeeyo dagaalka gobolka Tigray, waxaana ay ciidamadiisa qaadeen tallaabooyin ka daray xiisadda.

Ilo-wareedyo militari iyo kuwa diblomaasiyadeed ayaa sheegay in ciidamada cirka Ethiopia ay si xooggan u duqeeyeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray.

Boqolaal qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana ku barakacay 25,000 oo qof, hase yeeshee Abiy ayaa ku gacan seeray inuu joojiyo.

“Waxaan leenahay ‘waqti na siiya’. Ma qaadan doonto ilaa abid… waxa uu noqon doonaa howlgal kooban,” waxaa sidaas yiri Ridwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda ee howlgalka gobolka Tigray.

“Marna ma weydiisan Uganda ama dal kale inay na dhex-dhexaadiyaan,” ayuu yiri Ridwan, kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu la kulmay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia kana codsaday inuu dhex-dhexaadiyo.

Ciidamada cirka ayaa xirmooyin bambooyin ah maanta ku riday gudaha iyo hareeraha magaalada Mekelle, sida ay afar ilo-wareedyo militari iyo diblomaasiyiin ah u sheegeen Reuters.

Illaa iyo hadda ma cadda waxyeelada iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan. Sidoo kale ma jiraan wax war ah oo ay arirntan kasoo saareen dowladaha Tigray-ga iyo Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa maanta sheegatay inay ciidamada federaalka “xoreeyeen” magaalada Alamata ee koonfurta gobolka Tigray-ga, oo gacanta ugu jirtay kooxda TPLF.

Hoggaamiyayaasha Tigray-ga weli kama aysan hadlin xaaladda Alamata.