28.9 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Dalalka Yurub oo iska diiday codsi uga yimid Trump oo ku saabsan dagaalka Iiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Brussels (Caasimada Online) — Dalalka xulafada la ah Maraykanka ee Yurub ayaa si cad uga biyo-diiday codsi Washington ka yimid oo la xiriiray in laga qeyb qaato dadaallada dib loogu furayo marin-biyoodka Strait of Hormuz, iyadoo Jarmalku si toos ah u sheegay in xiisadda Iran aysan ahayn “dagaal Nato leedahay”.

Iran ayaa toddobaadkii hore qaaday tallaabo ay ku xireyso marin-biyoodkan istaraatiijiga ah, kaddib weerarro ay Israa’iil iyo Maraykanku ku qaadeen gudaha dalkaas. Tallaabadaasi waxay hakad gelisay mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ganacsiga tamarta caalamka, halkaas oo ay maraan in ka badan boqolkiiba 20 saliidda iyo gaaska dunida.

In kasta oo madaxweyne Donald Trump uu dhammaadkii toddobaadka xulafada ugu baaqay inay ka qeyb qaataan hawlgal lagu soo celinayo isu-socodka maraakiibta, haddana dalal badan oo reer Galbeed ah ayaa muujiyay ka-joogsi iyo taxaddar ay ka qabaan in si toos ah loogu lug yeesho colaaddan.

Afhayeenka ra’iisul wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sheegay in khilaafkan “uusan wax xiriir ah la lahayn NATO”, isagoo xusay in isbahaysigu asal ahaan u taagan yahay difaaca dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah, balse aanu jirin sharciyad ama waajibaad NATO siinaya inay faragelin milatari ku sameyso xaaladdan hadda taagan.

Wasiirka difaaca Jarmalka Boris Pistorius ayaa isna carrabka ku adkeeyay in Berlin aysan ka qeyb qaadan doonin wax howlgal militari ah, hase yeeshee ay xoogga saari doonto raadinta xal diblomaasiyadeed oo lagu dejiyo qalalaasaha sii fidaya.

Britain ayaa iyana meesha ka saartay suurta-galnimada howlgal NATO ah. Ra’iisul wasaare Keir Starmer ayaa sheegay in London ay la shaqeynayso xulafadeeda si loo helo qorshe wadajir ah oo “hirgelaya” laguna soo celin karo xorriyadda maraakiibta ee gobolka, isla markaana lagu yareyn karo saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xiritaanka marin-biyoodka.

Starmer oo ka hadlayay Downing Street ayaa sheegay in qorshaha la doonayo aanu ahayn, weligiina aan loo arkin, hawlgal NATO hoos taga.

Dhankiisa, xoghayaha tamarta Britain, Ed Miliband, ayaa Axaddii sheegay in dowladda UK ay qiimeyneyso suurta-galnimada in aagga loo diro diyaarado yar-yar oo miino-baaris ah, halkii laga diri lahaa maraakiib dagaal.

Faransiiska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uusan wax maraakiib ah u diri doonin marin-biyoodka Hormuz. Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in howlgalka badeed ee Faransiisku uu ku egyahay Bariga Mediterranean-ka, uuna yahay mid “difaac” ah oo keliya.

Spain, oo ka mid ah dalalka Yurub ee sida ugu qaylada dheer u cambaareeyay dagaalka Iran, ayaa iyaduna gebi ahaanba meesha ka saartay wax ka-qaybgal militari ah. Wasiirka difaaca Spain, Margarita Robles, ayaa sheegtay in Madrid “marnaba” aysan ka fiirsaneynin wax tabaruc militari ah oo ku saabsan furitaanka marinka.

Poland ayaa iyaduna qaaday mowqif la mid ah, iyadoo diidday inay ka mid noqoto hawlgal badeed kasta oo lagu doonayo in dib loogu furo marin-biyoodka.

Jawaabta qabow ee ka timid caasimadaha Yurub ayaa timid kaddib markii Japan iyo Australia ay horaantii Isniinta muujiyeen dareen la mid ah. Canberra ayaa si gaar ah u caddeysay in aysan markab dagaal u diri doonin Strait of Hormuz.

Madaxweyne Trump ayaa ka digay in haddii xulafadu diidaan inay gacan ka geystaan furitaanka marin-biyoodka, arrintaasi ay “saameyn aad u xun ku yeelan doonto mustaqbalka NATO”, inkasta oo uusan si faahfaahsan u sheegin waxa uu uga jeedo digniintaas.

Si kastaba, dalal ka tirsan waqooyiga Yurub iyo gobolka Baltic-ga ayaa muujiyay mowqif ka jilicsan kan dalalka waaweyn ee Yurub. Dalalkan oo muddooyinkii dambe si dhow ugu tiirsanaa taageerada Maraykanka ee la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada Ruushka ee xuduudahooda u dhow, ayaan gebi ahaanba xirin albaabka wada-hadalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Lars Lokke Rasmussen, ayaa warbaahinta dalkiisa ugu sheegay Brussels in dalkiisu aanu marnaba doonaynin dagaalkan, isla markaana tan iyo maalintii koowaad ay ku baaqayeen in la dejiyo xiisadda. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in maskax furan lagu eego sida ay uga qeyb qaadan karaan dadaal kasta oo xal lagu raadinayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Lithuania, Kestutis Budrys, ayaa isna sheegay in dalalka NATO ay tahay inay tixgeliyaan codsiga Maraykanka, balse ay marka hore u baahan yihiin sawir buuxa oo ku saabsan deegaanka howlgalka iyo awoodaha ay si dhab ah wax ugu kordhin karaan.

Dhanka Estonia, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa sheegay in dalkiisu “mar walba diyaar u yahay wada-hadal lala yeesho Maraykanka”, oo ay ku jirto xaaladda ka taagan Strait of Hormuz.

Kala duwanaanshahan sii muuqda ee mowqifyada reer Yurub ayaa muujinaya sida ay uga caga-jiidayaan inay galaan isku dhac cusub oo Bariga Dhexe ka qarxa, xilli saameynta dhaqaale ee xiritaanka Hormuz ay durba gilgileyso suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News