Dalka Sacuudi Carabiya oo uu ka billowday olole lagu sameynayo boqor cusub

Riyadho (Caasimada Online) – Koox Sucuudiyaan ah oo isula baxday ‘Isbahaysiga dowlad wanaagga” ayaa ku baaqay in Ahmed bin Abdul Aziz al-Saud in uu awood Sucuudiga si KMG ah ula wareego.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa taageerada aan u haynno Axmed in uu xafiiska si KMG ah oo hal sano ah ula wareego, taas oo ah mid dastuuri ah ilaa ay dadka reer Sacuudi Careebiya go’aan uga gaadhayaan aayhooda,” ayey warbixintoodii ugu horreysay ku yiraahdeen kooxda.

Kooxdan waxaa ka mid ah lix dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo todobo madax bannaan.

Dhaq dhaqaaqyadan siyaasadeed waxaa ku jira Dhaqaaqa Karama oo uu hoggaamiyo Maan al-Jarba, Ahrar Yam iyo Dhaqaaqa Hamdan, oo uu hormuud u yahay Abdul Hadi al-Yami, Kooxda Xoreynta Jasiiradda Carabta oo uu majaraha u hayo Dakhil bin Nasser al-Qahtani, iyo Kooxda Mideynta Qaranka, Al-Otaibi, iyo  Dhaqaaqa Runta iyo Cadaaladda oo uu hoggaankiisu yahay Mana bin Mahdel.

Xubnaha ururada madaxda bannaan waxa ay kala yihiin Harun Amin Ahmed, Abdul Aziz Al Moayad, Khalid Bin Farhan Al Saud, Amin Abdul Ilah Ali, Faisal Nasser Al Rashaidan, Ali Al Ammar iyo Hassan Al Kanani.

Waxa ay ku nuux nuuxsadeen taageerada ay u hayaan Axmed oo uu dhalay boqorkii hore ee Sacuudiga Cabducasiis Ibn Saud, ayagoo yiri “Waxaan ka aragnay sida uu ugu dhiifoon yahay badbaadinta dowladda. Iyada sida uu uga cago jiidayo maamulka oo uusan qeyb uga hayan xadgudubyaddii dhacay waayihii hore.”

“Afartii sano ee la soo dhaafay waxa ay caddeeyeen boqor Salmaan iyo dhaxal sugaha in aysan awood u lahayn dowladnimada, nidaamka maamulka ayaa ceebaha boqortooyada bannaanka soo dhigay, kaaramadeedii, dadkeedii iyo kheyraadkeedii waa lagu tagrifalay,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta oo la soo saaray kaddib markii si baahsan ay uga talo bixiyeen qeybaha kala duwan ee Sacuudiga, dadka, ciidamada qalabka sida iyo amniga, waxaa lagu yiri: “Siyaasadda mas’uuliyad daradda ah iyo qaladaadka….tan iyo markii uu yimi Maxamed Bin Salmaan waxa ay dalka galisay ismariwaa taariikhi ah.”

“dilalkii masiibada ahaa ee loo geystay shuhadaddii: Saxafi Jamal Khashoggu, Turki al-Jasser Suleiman al-Dweish, iyo baahinta xadgudubyada, waxa ay Sucuudiga galiyeen xasarado.”

Isbahaysigu waxa ay dhalleeceeyeen “Ficilada Bin Salmaan ee ka imanaya siyaasadaha mas’uuliyad daradda ah, taas oo looga awood badanayo isbedel doonka oo lagu xir xirayo carruurta, waayeelka iyo haweenka, dagaalka Yaman, go’doominta Qadar iyo wadahadaladda heerka sare gaaray ee lagula jiro Israel.”

Waxa ay ku baaqeen baahida loo qabo in “In lagu dhiso xiriir wanaagsan oo darisnimo oo lala wada wadaago dalalka Bariga Dhexe, la joojiyo xanafta saxaafadda iyo calaamadaha dagaalka ku jiheysanaya dalalkan iyo hoggaamiyeyaashooda”.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com