“Dalka Soomaaliya looguma talo galin doorasho iney ka dhacd”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo xumo ka muujinaya doorasho loo dhan yahay oo ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuuruf oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal aan loogu talo galin iney ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya loogu talo galay iney dhibaatadan ku jirtaa oo aysan ka dhicin doorasho dadweynaha la dhacsan yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaad mooddaa Soomaaliya inaan loogu talogalin wax doorasho ahba iney ka dhacdo, waxaad mooddaa in loogu talogalay in la is qabqabsado in sidaa la isku haysto in dalku dowlad la’aan noqdo in dhibaato badan dalka ka dhacdo”ayuu yiri.

“Waxaad mooddaa haddii la arkay Soomaaliya ay ku meelgaarkii ka baxday oo ay yeelatay  dowlad rasmi ah oo cageheeda isku taagtay in dib la iskugu diraayo si intaasi meesha uga baxdo”

“Dhibka ugu weyn waxa uu dhacay markii la yiri 51 qof ayaa wax xulaneysa oo aad mooddo jifo-jifo hoose ay noqotay oo jifo kastaa ay tiri anaa maanta xaq u leh oo aan la fiirineyn dowladnimada iyo nidaamkeeda yaa ka bixi kara, dowladdii Soomaaliya maanta waxay iskugu uruurtay jifo hebel baa maanta xaq u leh, waa nidaam qabaa’ilkii aad loogu kala fogeynaayo”.ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaanka.

Doorashada sanadkaan dhaceyso ayaa ka duwan kuwii horey dalka kaga dhacay, waxaana xildhibaanada doorashadooda ka dhaceysaa caasimadaha maamul goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com