Xog: Dekadda Muqdisho oo laga soo sheegayo arrimo halis ku ah qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi ay kusoo xirtaan doonyo sida maandooriyaal iyo Hubka noocyada yar yar ee Bastooladaha ah.

Doonyahaasi ayaa la sheegayaa inay usoo xirtaan Ganacsato kuwaasi oo furdaamintooda ku bixiya lacago xoogan, si loo soo galsho gudaha magaalada.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Dekadda ayaa inoo xaqiijiyay inay jiraan doonyo yar yar oo u raran Ganacsato kuwaasi oo lagu soo raro qeybaha kala duwan maandooriyaha iyo Hubka gacanqabsiga ah ee loo yaqaan Bastooladaha.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in maamulka Dekadda ay gorgortan la galaan Ganacsatada ay alaabahaasi lidka ku ah amniga usoo degaan, isagoo intaa ku daray in alaabtaasi la fashiliyo keliya goortii ay isku fahmi waayan dhaqaalaha.

Waxa uu intaa ku daray Sargaalka in doonyaha qaar la iclaamiyo in gacanta lagu dhigay, halka kuwa lacagta laga qaadana lagu soo fasaxo magaalada.

Maandooriyaha kasoo dega Dekadda ayuu sheegay inay yihiin nooca halista ah, waxa uuna Sargaalka carab dhabay in maamulka Dekadda uu yahay mid ku dhisan dhaqaale.

Bastooladaha ayuu sheegay inay lasoo degaan Ganacsatada sida qarsoodiga ah Hubka ugu iibsho magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqyada Hubka qarsoodiga ah lagu kala gato sida Cirtoogte iyo kuwo kale.

Talaabadaani ayaa qalqal amni u horseedi karta magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxaana xusid mudan in maamulka Dekadda uu yahay mid howlaha Qaranka ku doorsaday qaadashada lacagaha laaluushka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com