“Maamulkeena dowlada Xasan ma inoo dhisi karto dowlada cusub ayaan ka sugeynaa”

Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa beeniyay war kasoo baxay afhayeenka xukuumada oo ahaa in odayaasha dhaqanka ay ku dhow yihiin iney aqbalaan ka qeyb galka shirka magaalada Jowhar ka socdo.

Nabadoon Maxamed Cabdi Maxamuud oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in waxba kama jiraan tahay in odayaasha Hiiraan ku dhow yihiin aqbalida shirka magaalada Jowhar ka socdo.

Nabadoonka wuxuu sheegay in kulamada ay la qaateen ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iney ku saleysan yihiin sidii ay u gudbin lahaayeen cabashooyinka ay qabaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Maxamed Cumar Carte u sheegeen in wadahadal ay galayaan marka laga soo laabtaa qaladaad uu sheegay in madaxda dowlada Soomaaliya ka galeen, kadibna la aqbalaa in shir dib u hishiisiin  lagu qabtaa magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale wuxuu cadeeyay in marnaba aysan ka aqbalin ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iney shirka Jowhar tagaan, laakiin ay bandhigeen qodobada iyo cabashada ay qabaan.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in marnaba dowlada Xasan Sheikh aysan dhisi Karin maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, balse dowlada cusub ay dhisi doonto maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com