Xog: Axmed Madobe oo Nairobi ku saxiixay heshiis Ethiopia ay muddo qorsheyneysay

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa magaalada Nairobi ku saxiixay heshiis dhigaya in ciidamada Liyu Bolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia la keeno magaalada Kismaayo.

Heshiiska Axmed Madoobe ayaa dhameystir u ah heshiis horudhac ahaa oo ay magaalada Jigjiga ku galeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha DDS Cabdi Ileey, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Ciidamada ayaa sugi doona amniga doorashooyinka heer gobol ee dhowaan ka billaabanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay wararku sheegayaan.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo dowladda Ethiopia ay waddo oo la doonayo in ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida Ethiopia ay kula wareegaan gobollada Jubbooyinka.

Waxaa socda dadaal ay Ethiopia waddo oo ciidamada Kenya dhammaan looga saarayo magaalada Kismaayo, ayada oo la adeegsanayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo bilihii dhowaa aad ugu dhowaa Ethiopia.

Magacaabista Jeneral Gabre ee wakiilka IGAD ee Soomaaliya, oo la filayo in dhowaan ay dhacdo, ayaa Ethiopia gacan weyn ka siin doonta inay saameyn ka xooggan middi hore ku yeelato siiyaasadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com