Dalxa “Dadka ku nool Sh/Hoose waxa ay ku biirayaan maamulka ay rabaan”

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose aan loo meerin doonin maamulka ay ku biirayaan “Ayaga ayaa masiirkooda ka hadli kara”.

Wuxuu xildhibaan Dalxa sheegay in Gobalka Shabeellaha dhexe iyo dadkiisa aanu ahayn sidda Turubka ama Jarta oo kale oo ciddii ay rabto meel ku dareyso.

“Waa gobal dadkiisa u madax banaan yahay, haddii ay rabaan maamulka seddaxda gobalk ayey ku biirayaan ama midka lixda gobal, balse waa go’aanka ay gaaraan wax- garadkooda, siyaasiyiintooda, culumaa’dooda, dhallinyaradooda iyo haweenkooda, laakin ma ahan in ciddii ay rabto sidda turubka ay meel ka degto” ayuu yiri.

Dalxa ayaa sheegay in gobalka Shabeellaha Hoose uu ka mid yahay gobalada dalka ee ugu wax soos saarka badan oo ay deggan yihiin dad aan dhib badneen.

Gobalka wuxuu ka kooban yahay siddeed degmo dadkoodana meesha ay rabaan iyaga ayaa yaqaana meesha ay ku biirayaan” ayuu yiri.

Hadalka Xildhibaan Dalxa ayaa ku soo beegmaya iyadoo shirar iska soo horjeedo oo looga arrinsanaayo maamul gobaleed loo sameenaayo Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ka socdo magaalada Baydhabo.

Maamulkaas ayaa dadka qaar waxa ay rabaan in uu ku koobnaado seddax gobal halka odayaal ay lee yihiin waa in uu lix gobal uu ka koobnaadaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com