Dagaal beeleedyo cusub oo ka qarxay Sh/Dhexe iyo warar sheegaya…!

Balad (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal beeleed, kaasoo sababay barakac xooggan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay Tuulada Yaaq oo hoos-tagta degmada Balcad, waxaana soo weerarray maleeshiyo beeleed.

Dadka deeganka ayaa billaabay in ay guryahooda ka cararaan sidda ay lee yihiin goobjoogayaasha.

“Meesha aan joogo waxaa xaley ka dhacay dagaallo xooggan, haweenkii iyo carruurtii, waxaa na soo weerarray ciidamo hubeysan kuwaasoo la wareegay tuulada, waxaa la la’yahay 12-carruur ah kuwaasoo aan ka cabsi qabno in ay Wabiga galaan” ayuu yiri ninkaas.

Ciidamada soo weeraray tuulada ayaa la sheegay in gubeen beero ku yaalla deeganka lagu dagaallamay.

Waxaa weli laga maqlayaa tuulada lagu dagaallamay rasaas xooggan, ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda tuulada Yaaq ee degmada Balcad.

Dagaalka ka dhacay tuulada u dhow Balcad ayaa daba socda dagaal kal horrey ka dhacay meelo ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com